Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland iyo Hay’adda Care oo Magalada Buur-saalax ka furay Boarding Casri ah.

April- 12/ 2017- Midkii ugu weynaa goob ama bourding waxbarasho oo laga hirgaliyo magaalo ka mid ah deegaanada Puntland ayay ka furtay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sarre ee Puntland magaalada Buursaalax ee Degmada Galdogob Gobolka Mudug.

Mashruucaan oo ah kobcinta waxbarashada gabdhaha Islamarkaana ay wasaaradda la wado Hay,adda Care International munaasabad loo qabtay waxaa ka qeyb galay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sarre ee Dowlada Puntland Dr Abshir Yuusuf Awciise,Agaasimaha guud ee Wasaaradda, Gudoomiyaha Gobolka Mudug iyo Madaxda ugu sareysa Hay,adda Care International.

Cali Godone oo ah madaxa xafiiska Hay,adda CARE ee Puntland ayaa ku tilmamay talaabadan inay tahay mid mro dhal u ah faaidada waxbarashadu u leedahay deegaanka iyo mujtamaca, wuxuuna sheegay in hirgalinta barnaamijkaan kor u qaadeyso horumarka Islamarkaana ay nasiib u heleen dadweynaha magaalada Buursaalax.

Madaxa Hay,adda Care International ee Soomaaliya Rahiim Ashfar oo kazoo jeeda dalka Pakistan oo isna la hadlay shacabka reer Buursaalax ayaa yiri “ Waxay ii tahay maalin xusuus badan oo ay caruurteyda oo kale halkaan wax ka baranayaan”wuxuuna ka digay in la dayaco hantida Islamarkaana fursadaan looga faa,iideeyo gabdhaha.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Maxamed Abdulqadir Cismaan  ayaa ku amaanay mashruucaan Hay,adda Care iyo Dowlada Ingiriiska oo uu sheegay inay ku bixinayaan lacag gaareysa boqol iyo soddon milyan oo dollar, oo loogu talagalay in wax lagu baro tobanaan kun oo gabdho waddamada adduunka ugu saboolsan.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sarre Dowlada Puntland Prof Abshir Yuusuf Awciise oo xariga ka jaray xarunta gabdhaha ee magalada Buur- Saalax ayaa ka hadlay doorka waxbarashada ku leeyihiin  haweenku iyo sidii loo  xoojin lahaa  xiriirka waalidka iyo Ardeyda.

Wasiir Abshir ayaa ku tilmaamay guusha ay gaareen shacabka magaalada Buur_saalax inay tahay mid iyagu ay samaysteen, Wuxuuna sheegay in horumar xawliya ku socoto magaalada Buursaalax.

Hoos Ka Daawo Sawiradda

By:Deeq Maxamed Warsame.

Madaxa isku xirka Wasaaradda Waxbrashada iyo Tacliinta Sare.

Scroll to Top