Wasaaradda Waxbarashada iyo ha’yada ADRA oo Wada xusay Maalinta Haweenka Aduunka.

Garowe. Kulan lagu xusayo maalinta haweenka aduunka oo ay iska kaashadeen  masuuliyiin ka socday Wasarada Waxbarashada Puntland  iyo  ha’yada ADRA ayaa lagu qabtay hoolka shirarka Hotelka Newrays ee magalada Garowe.

 waxaa kasoo qayb galay kulankaan oo labo barnaamij iskugu jira masuuliyiin ka socda hay’addaha ADRA ,CARE,Wasaradda Waxbarashada iyo waalidiin u badan Dumar waxana laga soo jeediyay khudbado kala duwan oo dhamaantood xanbaarsanaa kaalinta ay haweenku kaga jiraan bulshada.
 Dadkii kulankaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa Jaamac Faarax Muuse oo ka socday Hay’adda ADRA wuxuna sheegay inuu ku faraxsan yahay xuska maalinta haweenka adunka gaar ahaan kuwa Puntland,wuxuna tilmaamay inay muhiim tahay sidii kor loogu qaadi lahaa tayadda iyo heerka aqooneed ee dumarka.
jaamac ayaa yiri’ dumarka reer puntland waa inay ka qaybqaatan Waxbarashadda dhaqaalaha Siyaasasadda iyo Amnigaba’.
 Hay’adda ADRA ayuu sheegay inay wado barnaamij waxbarashada haweenka ku saabsan kaasoo lagu damacsan yahay in kor loogu qaado,wuxuna dumarka ku dhiiri galiyay inay dhankooda dadaal iyo howlkarnimo lasoo baxaan. ha’yada ADRA ayaa iskuulo badan gacanta ku haysa oo dhinaca waxbarashadda dumarka deegaanadda puntland ah, waxaa kaloo ka socady ha’yada ADRA saarkiil ka mid
 ah shaqaale Ha’yada ADRA sida AXMED MAXAMED SICIID (AXMED HOOTE).
Sahro Kooshin oo ka socotay Wasaradda Waxbarashada ayaa sheegtay inay xooga saarayaan sidii jahliga haysta haweenka loola dagaalami lahaa isla markasna fursado waxbarasho haweenka Puntland loogu soo raadin lahaa.
 Faadumo Shugri Cabdi Xirsi oo ka socotay waaxda haweenka ee wasaradda waxbarashada ayaa sheegay haweenku inay ku yar yihiin goobaha waxbarashada balse loo baahan yahay in ragg iyo dumar ay ka qayb gallaan hormarinta waxbarasha hablaha Soomaaliyeed.

Riwaayad ka turjumaysa doorka haweenka iyo sida loogu baahan yahay in laga dhowro tacadiga iyo faquuqa ayaa lagu soo bandhigay madasha ay xafladu ka socotay.

 Deegaanadda kale ee Puntland ayaa maanta lagu qabtay kulamo ku aadan xuska maalinta haweenka iyadoona lagu soo bandhigayo war bixino ka hadlaya heerka ay haweenka Puntland joogaan.
DAAWO SAWIRADII XUSKA MAALINTA HAWEENKA ADUUNKA.
 
                          Deeq Maxamed Warsame
                        Wasaaradda Waxabarashada Puntland.
                      Contact Number+2525743400
Scroll to Top