Wasaaradda Waxabarshada Puntland Waa ina Aradayda laga Tallaalo Cudurka Dabaysha ?.

20/07/2014, Dowladda Puntland ayaa shaacisay in xaalad deg deg ah oo ka hortag ah la galiyay xanuunka dabeysha oo lagu arkay dad qaba cudurkaan deegaano katirsan gobolka Mudug sida Jariiban iyo Towfiiq.

Wasiirka Waxbarashada dowladda Puntland Cali Xaaji Warsame oo shir jiraa’id saxaafada u qabtay ayaa sheegay in maanta dhammaan deegaanada gobolka Mudug iyo oo lagu daray Burtinle iyo Eyl uu ka bilaabanayo tallaalka kahortaga dabeysha oo ay ka wad shaqeynayaan wasaaradda caafimaadka iyo hay’addaha la shaqeeya.

Tallaalkaan oo la siinayo caruurta ka yar 10-ka sano ayaa Wasiirka Waxbarashadu  wuxuu ugu baaqay bulshadu inay ka qeyb qaataan sidii xanuunkaan looga hortagi lahaa kahor inta uusan faafin.

Wasiirka ayaa balan qaadey in goobo kasta oo Waxbarasho la geego tallaalka say  Ardaydu u qaadato dawadiisa, si ay difaac ugu noqoto jirkooda.

shir jiraaidkaan ayaa waxaa ku waheliyey Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarsahada Puntland Dr Maxamed Cali Faarax

Sidoo kale wasiir ku xigeenka haweenka iyo arimaha qoyska Farxiyo Yuusuf  Xirsi oo shir jiraa’id  ku qabatay xarunta ayaa waalidiinta ugu baaqday inay caruurtooda uga faa’idayaan tallaalkaan oo ka difaacaya inuu xanuunkaan ku dhaco .

Dhowaan ayey ahayd markii degmooyinka Towfiiq iyo Jiriiban ee gobolka Muduglaga helay laba kiis oo laxiriira cudurka dabaysha, gobolada koonfurta Soomaliya ayaa sidoo kale laga helay in kabadan 200 kiis oo cudurka dabaysha ah.

Daawo Sawiradda.

DSC_4558DSC_4560DSC_4561DSC_4566DSC_4569DSC_4570DSC_4579DSC_4581DSC_4582DSC_4595DSC_4599

 

Wasaaradda Waxbarashadda Puntland.

Deeq Maxamed Warsame

Contact number+2525743400

Deeq. hurre99@Gmail.com

 

Scroll to Top