Wasaarada Waxbarashadda oo kala Shaqaynaysa Wasaarada Maaliyadda qaabkii hay’aduhu u bixin lahaayeen Canshuurta

08/09/2014,Wasaarada Waxbarashada  Dowlada Puntland ayaa shirkaan soo qaban qaabisay shirkaas oo ku sabsanaa sidii hay’adaha Waxbarashada ku hawlan ay u bixin lahaayeen Cashuurata, shirkaan ayaa waxaa si rasmi ah ufuray kusimaha Agasimaha guud ee Wasaarada Waxbarashada Maxamed Cali Faraax(farmiyeeri).

Waxaa shirkaan goobjoog ka ahaa lataliyaal ka socda Wasaaradda Maaliyadda kuwaas oo sharaaxad balaaran ka siiyey habka xeerka Cashuuraha iyo qaabka ugu fudud ee loo bixin lahaa hadaba qodobada aadka looga hadlay waxaa kamid ahaa:

1.In qandaraasluhu bixiyo Canshuurta kahor inta uu bilaabin hawsha uu qabanayo,

in Canshuurta uu ku bixiyo Wasaarada Maaliyada isla markaana Wasaarada Waxbarashada ay xaaqijisaa in uu Canshuurta u bixiyey sida saxda ah qandaraasluhu.

2.In ganacsatadu ama qandaraaslayaasha ku guulaysta soo iibinta agabka la xiirira Waxbarashada uu yahay mid bixiyey cashuurti ku waa jibtey.

shirkaan oo ahaa mid lagu hormarinaayo qabkii loo bixin lahaa Cashuraha ayaa Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyada Masaarada Waxbarashada Faarax Maxile ayaa waxa uu sheegay in Wasaaradiisu habka ugu fudud isla markaana ugu wanaagsan lagu bixiyo Canshuurahaas ay tahay hormarinta dhaqaalaha dalka, dhamaan kasoo qayb galayaasha shirkaas ayaa iyaguna soo dhaweeyey oo aragtidoda ka dhibtey isla markaana si hufnaan ah loo fuliyo.

Wasaarada Waxbarashada ayaa waxa ay ku mashquulsanayd sidii loo dar-dargalin laha bixinta  canshuurta  bahda Waxbarashada ee Puntland meelkasta ay joogan sida Macalimiinta iskuulada dhiga, Macalimiinta tacliinta sare, Shaqaalaha Wasaarada dhexe, Shaqaalaha Gobolada, Shaqaalaha Dagmooyinka, shaqaalaha Hayadaha Waxbarashada taageera in aan meelna loo daynayn oo ay waajib ku tahay meelkasta oo Waxbarasho ah.

iyadoo  amarkaasu ka yimid Wasaarada Maaliyada Ee Dawladda Puntland oo u xilsaaran bixinta Canshuuraha mana ahan wax gooni ku ah Wasaarada Waxbarashada ee waa Wasaardaha dawlada Puntland o oo dhan.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

 

Wasaaradda Waxbarashadda Puntland.

Deeq Maxamed Warsame

Contact number+2525743400

Deeq. hurre99@Gmail.com

 

Scroll to Top