Wasaarada Waxbarashada oo lagu daahfuray Mashruuca “Waxbarashadu waa Iftiin”

Waxaa maanta xarunta wasaarada waxbarashada dowlada Puntland ee Soomaaliyeed lagu soo bandhigay Mashruuc la yiraahdo waxbarashadu waa Iftiin oo socon doono mudo 3-sano ah,Midowga Yurub ayaana ugu deeqday Puntland dhaqaalaha ku baxaya,waxaase fulintiisa iska kaashanaya Hay’adaha Care internatianal,SC,ADRA iyo Jaamacada VU Amisterdam Hollan.

Shirkaan lagu soo bandhigayay ayaa waxaa kasoo qayn galay madaxwayne ku xigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire,qaar ka mid ah Gollaha wasiirada wafdi ay hogaaminayso agaasimaha arimaha bulshada u qaabilsan EU Soomaaliya iyo masuuliyiin ka kala socda dhowr hay’adaad.

 

Lacagta mashruucaani ay ku kacayso oo gaaraya $9.000.000 millyan ayaa waxaa ka faa’iidaysan doono Arday gaaraysa 21-kun oo iskugu jira waxbarashada Sare,dhexe,tan gacanta iyo macalimiin ,waxaana sidoo kale ku jirta xoojinta wasaarada waxbarashada Puntland si ay usii horumariso waxbarashada,Agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada oo bilowga kulanka hadlay ayaa dhankiisa sheegay inay farxad wayn u tahay heli taanka mashruuc waxbarashada Puntland kor loogu qaadayo.

Cabdi Faarax Siciid Juxa Wasiirka wasaarada waxbarashada Puntland oo madasha ka hadlay ayaa tilmaamay labadii sano ee lasoo dhaafay inay hormar balaaran ka gaareen kor u qaadista waxbarashada Puntland,wuxuna tusaale ahaan usoo qaatay dajinta siyaasada xeerka macalinta,adkaynta iyo kormeerida waxbarashada Gobalada Puntland ,dajinta siyaasada tacliinta sare midaynta manaahij-da waxbarashada iyo heli taanka fursado waxbarasho oo dibada ah.

Wuxuna dhinaca kale Wasiir Juxa uu sheegay Mashruucaani waxbarashada Puntland kor loogu qaadayo oo socon doono 3-sano ee soo socota ayuu ku tilmaamay inay wax badan ka badali doono hab sami u socoka hanaanka waxbarasho ee Puntland.

Daa’uud Maxmaad Cumar Wasiirka qorshaynta Puntland oo ka mid ahaa masuuliyiintii madasha ka hadlay ayaa dhankiisa Qiray Midowga Yurub kaliya Puntland inaysan ka saacidin waxbarashada basle ay wax badan ka qabteen buu yiri dhanka caafimaadka,horumarinta shacabka iyo mamulka,wuxuna sheegay inay amaal balaaran u hayaan oo aan la hilmaami karin EU-da.

Agaasimaha Midowga Yurub u qaabilsan dhanka arimaha bulshada Soomaaliya oo dhankeeda hadal kooban qaadatay ayaa sheegtay mashruucaani ay dhaqaalaha ku bixinayaan inay ugu talo galeen sidii sanooyinka soo socda loo horumarin lahaa waxbarashada Puntland,waxayna masuuliyiinta wasaarada waxbarashada ku amaantay sida wanaagsan oo ay ugu heelan yihiin kor u qaadista waxbarashada iyo garaadka dhalinyarada soo koraysa.

12-degmo oo ka tirsan 8-gabol ee Puntland ayuu mashruucaani ka shaqayn doonaa,wuxuuna barnaamijkaani hoos imaanaya qorshaha shanta sano ee wasaarada waxbarashda u degan kasoo la sheegay in lagu dabaqay.

 

 

 

Amaal Abdulahi Ali

Minstry Of Education

Media Unit

 

Scroll to Top