Wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare oo sagootisay Agaasme Waaxeed-yo iyo Madax qaybeed koormere iyo gudoomiye Waxbarashada degmo oo shaqada ka fariistay

17/05/2017- Madexdaas  Wasaaradda Waxbarashada  oo ahaa kuwa ka shaqayeynayey Waxbarashada in ka badan 40 Sano kuwaas oo ka qayb qaatay guulo Wawayn oo Waxbarashada Puntland iyo guud ahaan soomaliya ka qayb qaatay kuwaas oo soo shaqayeyey Qarankii  soomaliya iyo mudadii ay Puntland jirtay.

Sidoo kale Madaxdaa shaqada ka fariistay ayaa waxay ku soo shaqeeeyen daruufo kala duwan una huray naftooda sidii  Waxbarashada Puntland hormar wayn uga gaari lahayd.

Ugu danabayn Wasiirka Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinat sare  ee Dowlada Puntland Prof: Abshir Yuusuf Aw Ciise iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare, Dr Maxamed Cali faarax. Iyo Agaasimaha  Guud Maxamed C/qaadir Cismaan iyo dhaan shaqaalah Wasaaradda iyo Bahda Waxbarsahada Puntland  waxay leeyaihiin mahadsanidin waxayna u rajaynyaan guul iyo nolol Wacan.
Sidaas daraadeed, waasaaraddu waxay go’aamisay inay howl gab ka dhigto shaqaalaha  hoos ku xusan oo kala  ah:

1-Mohamed Ismail Finiin Agaasimaha Waaxda Waxbarashada Tooska ah.

ee Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliina sare.

2-Safia Ismail Sugule – Agaasimaha Waaxda Waxbarashada Dadban ee Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliina sare.

3-Isse Mohamed Isse – Madaxa Manaahijta waaxda Tayeynta  Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare

4- Sahal Mohamed Gacayte – Kormeere Gobolka Bari

5-Ahmed Aden Jama – Gudoonka Waxbarashada Degmada H-land

Hoos Ka Daawo Sawiradda

20170516_094248 DSC_0126 DSC_0127 DSC_0128 DSC_0131 DSC_0132 DSC_0133 DSC_0135 DSC_0145 (1) DSC_0145 DSC_0150 DSC_0151 DSC_0159 (1) DSC_0159 DSC_0160 DSC_0162 DSC_0166 (1)

 

By:Deeq Maxamed Warsame.

Madaxa isku xirka Wasaaradda Waxbrashada iyo Tacliinta Sare.

 

 

Scroll to Top