Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare iyo Wasaarada Maaliyada ee dowlada Puntland oo ka shiray bixinta Cashuuraha ee Bahda Waxbarashada.

17/12/2014, Xarunta wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee  Dowlada Puntland Magaalada Garoowe Ayaa maanta lagu qabtay kulan looga hadlayey sidii bahada waxbarashada gaar ahaan macalimiinta jaamacadaha iyo kuwa dugsiyada sare hoos/dhaxe ee  Puntland u bixin lahaayeen canshuuraha ku waajibey.

Kulankaan oo ay soo qabanqaabisay Wasaarada Maaliyada oo kaashanaysa Wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ayaa waxaa kasoo qaybglay Madaxweyne kuxigeenka Puntland, Wasiirka maaliyada, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare, Saraakiisha ciidanka canshuuraha iyo Madaxda Jaamacadaha Dalka.

Axmed Cabdi Cali Shire Agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland ayaa kulanka furay waxa uuna  tilmaamamay Wasaaradu ay doorkeeda ka qaadan doonto sidii Hay’adaha tacliinta sare iyo guud ahaan Bahda waxbarashadu uga qaybqaadan lahaayeen bixinta canshuuraha.

Wasiirka wasaarada maaliyada ee dowladda Puntland Mudane Shire Xaaji Faarax oo lahadlay kulanka Madaxda jaamacadaha  bahda waxbarashada ayaa sheegay in tallaabadani ay qayb ka noqon doonto dedaalada ay dowladu kor ugu qaadayso dakhliga guud ee dalka la hormariyo  si loo fuliyo adeegyada bulshada.

Mudane Shire Xaaji Faarax ayaa sheegay in miisaaniyada sanada 20 15ka ee ay maanta meel mariyeen barlamaanka dowladda Puntland  , ay 15% loogu talagalay khaabayaasha bulshada halka horay ay ka ahayd 10%.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey oo soo xiray kulan kaan ayaa ku dheeraaday muhiimada canshuuruhu dalka u leeyihiin iyo sida ay muhiimka u tahay inay bulshadu bixiyaan.

Mudane Camey ayaa sheegay in hadii qaybaha bulshadu aysan bixin canshuuraha ay hoos u dhigi doonaan horumarada iyo hiigsiyada dowladnimo ayna lagama maarmaan tahay in muwaadin kastaa bixiyo canshuuraha ku waajibey.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA.

??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ???????????????????????????????

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA WAXBARASHADA IYO TACLIINTA SARE DOWLADDA PUNTLAND
 Deeq Maxamed Warsame ‘’ Hurevov’’ Garowe, Puntland Somalia

Scroll to Top