Wasaaardda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland oo mashaariic Dugsiyo cusub ka hirgalisay Gobolada iyo Degmooyinka.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowladda Puntland ayaa asbuucan kormeeray mashaariic horumarineed oo laga hirgalin doono gudaha Gobollada iyo degmooyinka Puntland sida Gobollada kala ah, Karkaar, Sanaag, Nugaal, Sool, Mudug, Bari, Cayn, Hayland, iyo Gardafuu. Gobolladaas oo laga hirgelinayo Dugsiyo cusub kuwaas oo ah mashruuca “Waxbarashadu waa iftiin” isuguna jira dhismeyaal cusub, Fasallo kordhin iyo dayactirro.

Wasiirka Waxbarashada iyo Agaasimaha Guud wefti ballaadhan oo ay hoggaaminayaan oo safar shaqo ku tagay qaybo ka mid ah Gobollada islamarkaana ay wehelinayaan maamulka heer gobol iyo heer degmo iyo Saraakiisha hay’addaha kala ah Care iyo Save the Children ayaa ugu horrayn kormeeraya meelaha la dhagax dhigayo.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland oo dhagax dhigaysa Dugsiyo Cusub oo lagu Kordhinayo Gobollada iyo Degmooyinka, ayaa Wasaarad ahaan ay Xil weyn iska saarayaan wax ka-qabashada baahiyaha aasaasiga ah ee Waxbarashada.
1 - Copy

1

2 - Copy

2

3 - Copy

3

4 - Copy

4

5 - Copy

5

6 - Copy

6

7 - Copy

7

8 - Copy

8

9 - Copy

9

10 - Copy

10

11 - Copy

11

12 - Copy

12

13 - Copy

13

14

15 - Copy

Scroll to Top