UJ: WAR MURTIYEED IMTIXAANKA IYO SHADOOYINKA DUGSIYADA SARE

Taariikh: 06/02/2020
1. Horudhac
Puntland Current Trend (PCT) waa madal ay ku mideysan yihiin aqoonyahano iyo waxgarad reer Puntland ah, kuwaas oo kala jooga dunida daafaheeda. Waxaa madashu u dhisan tahay ka doodista, odoroska iyo abla-ableynta iyo talo-bixinta xaaladaha taagan, tagtada iyo timadaada guud ahaan Soomaaliya gaar ahaanna Puntland. Madashu waxay dood ka yeelatay xaaladda taagan ee la xiriirta waxbarashada gaar, ahaan imtixaanka iyo shahaadada ardayda Puntland, waxayna si qoto-dheer u falan-qeysay; sooyaalka waxbarashada dalka, wada-xaajoodyadii la soo maray, xaaladda hadda taagan iyo xalka laga gaari karo.
2. Sooyaalka Taariikhda Waxbarashada Dalka
Hanaanka waxbarashada Soomaaliya wuxuu la burburay qaran-jabkii Soomaaliya ee 1991. Waxbarashada Soomaaliya, gaar ahaan Puntland waxaana dib u soo kiciyey waalidiinta, iyadoo kaashaneysa qurba-joogta, hay’adaha caalamiga ah AET,CFBT iyo qaaraan-bixiyeyaasha ay ka mid tahay midowga yurub. Waxaa jiray welina jira culays tira badan oo waalidiinta ka haysta maal-gelinta iyo u helidda dhallaankooda waxbarasho tayo leh halka in badan oo ka mid ah waalidiinta Puntland ay la daalaa-dhacayaan culayska kharashka waxbarshada ee ay billaha u bixiyaan, ayadoo kuwa kalena aysan awoodin in ay ilmahooda waxbarashada geeyaan.
Waxaa xaqiiq ah in Dawladda Puntland ay dejisay hanaan waxbarasho oo lagu kalsoonaan karo ayna ka markhaati kaceen dhammaan daneeyayaasha waxbarashada. Imtixaanka guud iyo bixinta shahadaadada Dawlad Goboleedka Puntland wuxuu ahaa mid ka hana qaaday deegaanada Puntland muddo 17 sano ah. Qaadista imtixaanka waxaa barbar socotay bixinta shahaado tayeysan lagana aqoonsaday in badan oo wadamada caalamka ah gaar ahaan wadamada ardayda reer Puntland ay waxbarashada ka doontaan.
Waxbarashada Soomaaliya ma lahayn Manhaj mideysan waxayna ku soo wadeen waalidiintu dadaal, taasoo dhalisay in beesha caalamku gaar ahaan Midowga Yurub go’aansatay in ay Soomaaliya ka taageerto sameynta Manhaj ku saleysan saddexda aag (3 Administrative Zone) sida Puntland, Soomaaliland iyo Koonfurta & Bartamaha Soomaaliya (South Central Somalia). Sameynta Qaab-dhismeedka manhajka waa lagu kala hormaray, waxaa Puntland durba sameysay qaab-dhismeed Manhaj si fiican looga qeyb-geliyey dhammaan daneeyayaasha waxbarashada Puntland laguna qancay kaas oo aakhirkii ay ka faa’iidaysatay Wasaaradda Waxbarshada Federaalka iyadoo wax ka badal ku sameysay.

3. Wada-xaajoodyadii Labada dhinac
Wada hadalada dib u dhiska dalka gaar ahaan waxbarashada dalku waxay ahayd mid waqti dheer soo socotay, waxayna ku dhisnayd bisayl, dood wadaagnimo, sababeyn, gar iyo garowshiyo waxaanse ka soo qaadaney hishiiskii Labada Wasaaradood dhexmaray bishii luuliyo 2017 oo ah heshiis si dhab ah looga dooday loo falan-qeeyey la isulana afgartay kuna saabsanaa arimaha la xiriira: 1) Manhajka; 2) Imtixaanka; 3) Shahaadada iyo Deeqaha waxbarshada
Heshiiskaas wuxuu sheegayey in arinta qaadista imtixaanku tahay mid aad iyo aad xasaasi u ah markii laga eego dhanka amniga, sungnaanta, sirnimada, sixidda, kharashka, go’aaminta dhammaan arimaha la xiriira waxaana arinta imtixaanka lagaga heshiiyey afartaan qodob ee kala ah:
● In Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland ay u madax banaan tahay qaadista iyo maamulidda Imtixaanka mideysan deegaanada Puntland.;
● In Wasaaradda Waxbarashada Federaalku ay talo iyo taageero ku yeelato qaadista Imtixaanka Puntland;
● In Wasaaradda Waxbarashada Puntland ay Natiijada Imtixaanka u gudbiso Wasaaradda Waxbarashada Federaalka; iyo
● In laga wada tashado sidii loo horumarin lahaa Imtixaanka Soomaaliya.
Sababta go’aamadaan loo gaarey, la isulana meel dhigay in aan hal imtixaan waqtigaan Soomaaliya laga qaadi karin waxaa ka mid ahaa:
● In wadanku Federaal qaatay, hanaanka waxbarashaduna ku dhisnaan doonta Federaal waxaana masuuliyadda la kala leeyahay iyo kuwa la wada leeyahay dhab loogu qeexi doonaa wada xaajoodyada dambe iyo Dastuurka;
● Manhajka, muqararka, maaddooyinka iyo buuugta dugsiyada sare lagu dhigtaa ay kala duwan yihiin, taas oo u baahan mideyn haddiiba imtixaan mid ah la qaadayo;
● Sugnaanta, sirnimada iyo amniga imtixaanku waa mid xasaasi ah, in badan oo koonfurta Soomaliya ka mid ahna Dawladdu gacanta kuma hayso; iyo
● Xirfadda, kartida iyo waayo-aragnimada dalka ee dejinta, qaadista iyo sixidda imtixaanaadkuna waa yar tahay.
Arrimaha kale ee la xiriira shahaadada waxaa Labada dhinac kaga heshiiyeen;
● In loo baahan yahay shahaado mideysan uuna arday walba oo dhammaystay waxbarashada dugsiga sare uu ka heli karo deegaankiisa;
● In dawladda Federaalku aqoonsan tahay shahaada Puntland;
● In la horumariyo shahaado mideysan gaar ahaan, dhanka tayada, naqshadda, sugnaanta iyo macluumaadka ay xambaarsan tahay;
● In lagu muujiyo goobta iyo Dawlad goboleedka laga bixiyey;
● In laga guuro habka gacan ku qorista loona guuro habka tiknolojiyadda casriga ah (Computerized system);
● In loo fududeeyo ardayda helitaanka shahaadada, ayadoo loogu adeegayo deegaankooda; iyo
● In muddo bil gudaheed ah lagu dhiso guddi ka hawl-gala horumarinta iyo hagaajinta shahaadadaas.
Dhammaan go’aamadaas waxa sal u ahaa in ay tahay arin dastuuri ah in arday walbaa adeegga uu xaqa u leeyahay helo, ayadoo loo marayo maamul-daadejin iyo adeeg baahin ku dhisan nidaam Federaal ah iyadoo loo marayo wada-hadal iyo wadar-ogol.
4. Khilaafka Arimaha Waxbarashada ee Labada Dhinac
Soomaaliya waa wadan ka soo kabanaya colaad sokeeye, burbur, dawlad la’aan iyo amni darro. Waa wadan u baahan dib u heshiisiin dhab ah, dib u dhis qaran, wada-xaajoodyo wadar-ogol ah, hor-socosho ayadoo loo marayo mabaadii’da aasaasiga ah ee midnimo qaran, wadaniyad, isfaham guud, xallin khilaaf iyo ka dhawrsanaan wax walba oo xasaasiyad leh.
Arimaha khilaafka hadda taagan markaan aragnay fariimaha saxaafadda la isu mariyey, kuna dhisnay xog-ogaalnimo waxay noola muuqdaan muran iyo isqab-qabsi laga maarmi karay, sababtoo ah ma ahayn in horumarka yar ee dalka ka jira la isku khilaafo ee waxay ahayd in duruufaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed qabto wax laga qabto, wixii wanaagsan la dhiiri-geliyo wixii dhimmanna la iska kaashado.
Sidoo kale, waxaan u aragnaa in waxa la isku hayo ee dhabta ah aan shacabka Soomaaliyeed iyo gaar ahaan shacabka Puntland si sax ama si dhab ah loogu sheegin, sababtoo ah imtixaan in la wada galo waxaa lagu ahaa heshiis sababeysan, waxayna u baahan tahay si yoolka loo socdo loo gaaro, in la qaado tilaabooyin isku xiga sida in guddiyo farsamo oo isku dhaf ah la qabto, in hanaanka waxbarashada lagu taamayo dhismihiisa laga eego dhanka farsamada, sharciga, waafaqsanaanta halbeegyada caalamiga IWM. Hanaankaas oo ay saldhig u tahay maamul-daadejin, hufnaan, isla xisaabta, tayeyn iyo sugnaan kuna dhisan nidaamka federaalka ah ee Soomaali ku heshiisay, si looga fogaado hab-dhis sahal ku dhaawacmi kara, siyaasadeyn iyo ku tagri-fal awoodeed. Hadaba markay madashu si qoto-dheer uga doodday waxaa u soo baxay arimahaan soo socda;
● In la baal marey heshiiskii labada wasaaraddood ay wada galeen bishii Luuliyo 2017.
● In waxa la isku hayaa ay tahay oo kaliya hor-istaagga hirgelinta hanaanka Federaalka iyo qeybsiga deeqaha caalamka.
● In fariimaha hawada la isku mariyey gaar ahaan wareysiyada Wasiir Mudane Cabdullahi Goodax Barre uusan xaqiiqda ku fadhiyin isla markaana uu u muuqday hadal siyaasadeysan.
● Waxaa muuqata in Wasaaradda waxbarashada Puntland ay si fiican wada-hadallada iyo geedisocodkii waxbarashada labada dhinac in ay ku soo wadeen heshiisyada, xigashada dastuurka dalka iyo xiriirkii soo dhexmaray labada dhinacna ay saxaafadda iyo bulshada Soomaaliyeed la wadaageen;
● In madaxda Puntland gaar ahaan Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka iyo Labada gole ee Dawladda Puntland aysan shacabka u caddeyn, si fiicanna u dhigin doodda waayo waxaa muuqata in hogaanka Puntland aysan la imaan jihayntii shacabku uga baahnaa gaar ahaan markay timaado arimahaan oo kale;

5. Talo Bixin
Madasha (PCT) waxay ku talo bixinaysaa uguna baaqaysaa Puntland qodobadaan soo socda:
1) In goleyaasha Dawladda Puntland ay doorkooda qaataan, arintaanna mudnaanteeda siiyaan jawaabo ku habboonna ay ka bixiyaan .
2) In mudaneyaasha iyo marwooyinka Puntland ku matala goleyaasha heer federaal loo yeero waxna laga weydiiyo dhammaan arimaha la isku hayo ee ay ka mid tahay waxbarashadu
3) In arinta dhabta ah oo la isku hayo la wajaho taas oo ah hirgelinta hanaanka federaalka.
4) In madaxda Puntland si dhab ah ugala hadlaan madaxda federaalka iyo ciddii kale ee ay khusayso dhammaan arimaha la isku hayo ee ay ka mid tahay waxbarashadu.
5) In Dawladda Puntland, gaar ahaan Wasaaradda Waxbarashada iyada oo kaashanaysa Jaamacadaha gudaha kor loo qaado fursadaha deeqaha waxbarashada si culeyska looga qaado waalidiinta, waana in la siyaadiyaa qoondada waxbarashada miisaaniyadda guud.
6) In shacabka Puntland dhawrtaan hanaankooda dawliga ah, kana feejignaadaan kala qeybin iyo kala dhantaalid nidaamka jira kuna kalsoonaadaan adeegga waxbarashada ay 20 kii sano ee ugu dambeysay kusoo caano maaleen.
6. Tixraac:

• Heshiiskii Luuliyo 2017 : https://www.caasimada.net/puntland-oo-jawaab-ka-bixisay- hadalkii-goodax-soona-bandhigtay-heshiis/
• Heshiiskii Oct 14, 2014: https://www.youtube.com/watch?v=0tERwWg2Ha0
Liiska saxiixay
1. Dr Bashir M Hussein
2. Dr Bashir Ali Bihi
3. Dr Abdinasir Mohamud Abubakar
4. Ali H Warsame
5. Ali Abdi Aware
6. Liban Ahmed
7. Eng Ismail H Warsame
8. Eng Mohamed Abdullahi Shotaaye
9. Said Abdulkadir Jama (Faadi)
10. Said Farah Sanweyne
11. Ex xildhibaan Abdikarin H Gure (Shacur)
12. Farah Jamac Shilinson
13. Said Ali Shire
14. Said Goshe
15. Mohamed Hussen Daniye
16. Said Aden Shirwac
17. Mohamed Hassan Guled
18. Anwar Mohamed Abshir
19. Abdirahman Ahmed Bihi
20. Abdullahi Botan
21. Abdullahi Muse Hassan
22. Mohamed Baldho
23. Dr Dahir Mire Jibrel
24. Said Abdullahi Salah
25. Farah Mahad Hassan
26. Yassin Takilo Omar
27. Mohamed Abdi Sagac
28. Mohamud Hassan Dhagaweyne
29. Abdisalam Salwe
30. Fadumo M Mohamed Mufo
31. Fadumo Ali Noor
32. Fardowsa Jama Yusuf (F Carabey)
33. Abdirahman Omar Warsame
34. Abdirahman M Bangax
35. Dayib Ali Mohamed
36. Said Jama Bihi
37. Farah Ali Shire Afbalaar
38. Sonkor Jama Geyre
39. Farah Mohamud Aw Osman
40. Aden Shikhdon Ali
41. Eng Mohamud Haji Salah
42. Osman Dirie Kulane (Carabey)
43. Abdulkadir M Warsame Sholoqo
44. Aweys Yussuf
45. Abdihafi Ali Yussuf
46. Ahmed Dayib
47. Abdullahi Hussein Samatar
48. Mohamed Khalif Ahmed
49. Said Nur Qaas
50. Said Farah Mohamud
51. Abdulkadir Warsame Yusuf
52. Mukhtar Abshir
53. Abdirahman Abdirizak Abdirahman
54. Said Osman Mohamed
55. Siyad Ali Jam
56. Abdirizak Abdulle Bowbowle
57. Ali Said Omar (Ali Geesey)
58. Faysal Abdi Mumin
59. Burhan Bulhan
60. Abdirizak Xagayo
61. Dr Sadiq Eenow
62. Dr Abdishakur Horeeye Asad

Please follow and like us: