Waftiga Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare ee Dowlada puntland oo la kulmay Madaxa laanta socdaalka Dalka suudan iyo Safiirka u fadhiya Soomalia dalka Suuadan.

Janauray/10/ 2017- Wafdiga Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Puntland  oo hogaaminayo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare Dr Maxamed Cali faarax  oo Maalmahan ku sugnaa Dalka Suudan ayaa kulan laqaateen ku simaha  Safiirka Soomaaliya ee dalka Suudaan ahna Madaxa arimaha Waxbarashada iyo dhaqanka Dr. Cabdikadir Guulane, kulan kaani wuxuu ahaa kulan aad u qiima badan kaas oo la isku afgartay arimahaan hoos ku xusan:

  1. In ardayda Soomaaliyeed loo fududeeyo tasdiiqa shahaadooyinka

2.In ardayda loo raadiyo deeqo waxbarasho dheeri ah

3.In ardayda soomaaliyeed iyo safaaradu xiriir toos ah ay yeeshaan si looga war hayo ardayda waxkabarata dalka suudaan

  1. In ardayda loo fududeeyo visa yaasha iyo waraaqaha kaga xiran suudaan
  2. In ardayda dhamaysa Kuliyada cilmiga ah loo raadiyo takhasusaad u fududaynaya adeega ay bulshada uga baahantahay
  3. In ardayda soomaaliyeed ee waxka barata suudaan si wada jir ah looga wacyigaliyo cudurada dhalinyarada aafeeyay sida Tahriiblka, qabyaalada Iwm.
  4. Safaaradu aad waxay u amaantay Ardayda soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Puntland kuwaas oo door muuqda ka qaata Jaamacadaha ay dhigtaan. Wafdigu wuxuu sidoo kale casumaad u fidiyaya Madaxa waxbarashada iyo dhaqanka ee safaarad soomaaliyeed dalka suudaan in uu yimaado Puntland.

 

Dhanka kale wafdiga Wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare Puntland waxay kulan gaar ah oo wax ku ool ah  la yeeshay Sareeye gaas Eng. Yasin Mohamed oo ah madaxa laanta socdaalka Sudaan , kulan kaani wuxuu ahaa kulan lagu faaiiday kaas oo waxtar u ah dhammaan ummadda soomaaliyeed gaar ahaan Puntland oo waxbarasho u imanaysa suudaan, Kulan kaan waxaa la isku afgartay sidan:

  1. In Ardayda soomaaliyeed/Puntland loo fududeeyo Visaha ama Dalkugalka markii loo aqbalo Jaamacadaha Dalka Suudaan
  2. In la iska kaashado wacyigalinta iyo ka hortaga Tahriibta taas oo dhib badan ku haysa dhalinyarada soomaaliyeed
  3. In Ardayda deeq waxbarasho ka helay Suudaan ay balan qaad qoraal ah sameeyaan in ay dhamaysanayaan Waxbarashadooda. Guud ahaad Ardayda soomaaliyeed ayuu waxtar u lahaa kulan kani. Waana war farxad galinaya dhammaad ardayda soomaaliyeed.

waftigaan ayaa soo dhawayn fiican ka helay madaxda Dalka suudan iyagoo ku mashaquulsan baahinta iyo tayada waxbarsahada puntland.


                Hoos Ka Daawo Sawirada

 

30 31 32 33 34 35 36 37 38 39 40

41

By:Deeq Maxamed Warsame.

Xooghaynta Wasaaradda Waxbrashada iyo Tacliinta Sare

Scroll to Top