Wafti balaaran oo ka socda Maalmul Goboleedka Wasaaradda Waxbrashada Jubaland ayaa kulan la qaatay Shaqalaha Waxbarashada Puntland.

11/27\2018. Agaasimaha Guud  Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowlada Puntland  ayaa Maanta soo dhaweeyey Wafti ka socda Waxbarashada Maamul goboleedka jubland  oo aqoon kororsi u yimi  Puntland ee Xarunteeda Waxbarashada ee  xarunta dhexe  Magalada Garowe .

Aqoon koror sigaan  ayaa la Xariira habka  Maamulka Waxbarshada iyo in khibrado iyo macluumad dheerad ah  la kala helo iyagoo ay ka faa’iidaysan doonan dhamaan agaasime waxaayaha kala duwan ee Wasaarada  Waxbarashada jubland.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare  Maxamed Cali faarax (Farmayeeri) ayaa kula dardaarmay  in maamulka  tababarkan qaadanaya in ay ka faa’iideestan aqoon kororsiga  Waxbarshada Puntland .

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Maxamed Cali Faarax oo shir gudoomiye ka ahaa shirka  daahfurkiisa ka hadlay isagoo Maamulka Wasaaradda Waxbarashada jubland amaanay yirina meeshii la rabay soo maraysaa Waxbarashada Jubaland, macluumad fiicana  ay ka helyaan Wasaarada Waxbarshada Puntland, waxyaabaha ay ka faa’idaystaan in bulshada ay ku celin doonaan jubaland.

Agaasimha Waaxyada kala duwan ee Wasaaradda Waxbaarshada jubland ayaa aad ugu faraxsanaa inay ka faiidaystaan aqoonta Waxbarashada puntland iyadoo dadaal dheer loo soo maray.

Agaasima Waaxeedada Puntland ayaa Agaasime walaba tusaya shaqada uu hayo mid walba, kadibna waxay booqan doonan Jaamacadaha kuliyada Tababarka macalimiinta ee GTEC oo agab Waxbarasho oo dhamaystaran laga helayo iyo Jaamacada psu iyo Xarunta Farsamada gacanta.

Wasiirka Waxbarashada Puntland Abshir Yuusuf Aw ciise ayaa aad uga mahad celiyey Waftiga Waxbarashada Jubaland isagoo ku tilmaamay arin mihiima oo soomaliya inay ka soo kabato bur burkii Waxbarshada loo gaystay lana helo dhamaan Waxbarasho tayo leh lana soo saaro macalin iyo arday wanagsan.

Wasiir Abshir ayaa aad ugu faraxsanaa in uu ku arko ardaydisii oo ka mid ahaa agaasimayaasha Waxbarashada Jubland, waxaa kale oo wasiirku sheegay in jubland iyo maamul goboleedka soomaliyeedba ina khibrado is dhaafsano wada shaqayn fiicana oo waxbarshada ahna naga dhaxayso.

Maaha markii ugu horaysay oo wafti balaran oo Waxbarshada jubaland yimadan aqoon khibrad badana ka qaatan Puntland.

Agaasimayaasha  Waxbarashada  Jubland ayaa ka faiidaysan doona, Habka imtixaamdka Qaadista iyo dajinta  loo diyaariyo, Manahjka Waxbarashada, Waxbarashada Asaasiga ah, Waxbarashada Dadban, Waxbarashada Farsamada gacanta, Maamulka iyo Maaliyada, iyo xog uruurinta Waxbarashada  (Emista).

Kulankaan ayaa dhamaan waxaa ka soo qayb galay agaasime Waaxeedda kala duwan ee Wasaarada Waxbarashada Puntland.
                                                    Hoos ka Daawo Sawiradii
IMG_0523 IMG_0508 IMG_0507 IMG_0506 IMG_0498
IMG_0544 IMG_0545 IMG_0471 IMG_0476 IMG_0477 IMG_0478 IMG_0479 IMG_0480 IMG_0481 IMG_0482 IMG_0483 IMG_0484 IMG_0487 IMG_0488 IMG_0489 IMG_0490 IMG_0491 IMG_0493 IMG_0494 IMG_0495 IMG_0497 IMG_0498 IMG_0502 IMG_0503 IMG_0505 IMG_0506 IMG_0507 IMG_0508 IMG_0514 IMG_0515 IMG_0516 IMG_0522 IMG_0523 IMG_0524 IMG_0526 IMG_0528 IMG_0529 IMG_0533 IMG_0534 IMG_0535 IMG_0536 IMG_0538 IMG_0539 IMG_0540
By: Deeq Hurevov Madaxa isku xirka Wasaarada Waxbarshada iyo Tacliinta sare.
Scroll to Top