W. Waxbarashada: Madbacad iyo Studio heersare ah oo wax kasta kuu qabanaya

Madbacadda Wasaaraddu waxa ay furan tahay laba sano iyo bar.

Waxa ugu badnaa ee ay samayso waxa ay ahaayeen buugaagta waxbarashda dadban oo ay gacan ka gaysanayeen wasaaradda waxbarashada iyo Hay’adaha NRC iyo  Save the Children, sidoo kale waxa ay daabacday buugaag ay leyihiin Macmiil sida Prof. Xayd, Wasaaradda Qorshaynta, Wasaaradda Hawlaha guud iyo Gaadiidka iyo kuwo kale oo badan, waxa kale oo ay Madbacaddu Daabacday dekumentiyo ay ka mid yihiin tigidhyadii lagu galayay Ciyaaraha Gobolada Soomaaliya tartankiisii 18-aad ee ka dhacay Garoowe, iwm.

Waxa ay hadda gacanta ku haysaa Buugaag sheekooyin iyo suugaan soomaaliyeed loogu talo galay ardayda dugsiyada hoose iyo kuwa dhexe oo ay gacan ka gaysanayaan Hay’adaha ADRA iyo Relief International.

Madbacaddaani waxa ay awood u leedahay inay samayso daabacaaddaha

  • Buugaagta.
  • Business cards-ka.
  • Envelopes-ka.
  • Brochures-ka.
  • Newspapers
  • Handouts.
  • Invitation cards.
  • Wedding Cards.
  • Complementary
  • Certificates.
  • Massage pads.

Magaca Maamulaha Madbacadda

Faarax Yuusuf Nuur (K.K)

Tel: 252 90 709137 ama  +252 678 709137 ama +252 66 709137 Farahkk45@hotmail.com ama dabajoog@gmail.com

Studio heer sare ah:

Wasaaradda waxbarashada waxay hirgalisay studio caalami ah kaasoo kaa haqab tiraya dhamaan duubist barnaamijyada ay kamidyihiin waxbarashada,fariimaha wacyigalinta,suugaanta afka soomaaliga iyo dhamaan wixii la xiriira duubis oo idil.

Wasaarada waxabrashada waxay danaynaysaa in barnaamijkan ay qayb wayn ka qaataan hay`adaha sida gaarka ah ula shqeeya wasaarada waxbarashada,iyagoo diyaar loola yahay in si professionalism ah loogu duubayo barnaamijyadooda waxbarasho.

Ugu danbayntii wasaarada waxbarashada waxay soo dhawaynaysaa cid alaale cidii ubaahan barnaamijkaan waxayna kala xirii karaan head of media Unit Amaal Abdulahi Ali email Amaal.abdulahi@gmail.com tell 090744379

Scroll to Top