Tababaro Waxbarashada Gabdhaha looga hadlayay oo loo Qabatay Maamulayaasha iskuuladka iyo Gudoomiyeyasha Degmooyinka.

07/01/2015, Tababar soconayay muddo sadex maalmood ah oo looga hadlayay kor u qaadista Waxbarashada gabdhaha ayna ka soo qayb galeen Guddoomiyayaasha Waxbarashada Degmooyinka Gobolka Nugaal, Maamulayaasha Dugsiyada Gobolka Nugaal iyo marti sharaf kale oo ay ka mid ahaayeen Agaasimaha Waaxda Kormeerka Iskuulaadka ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Nugaal ayaalagu soo gebo gabeeyay Guddoonka Waxbarashada Gobolka Nugaal.

Tababarkaan oo lagu falanqaynayay kor u qaadista Waxbarashada gabdhaha ayaa mudadii uu socdau waxaa aad loogu lafaguray kaalinta kaga aadan Masuuliyiinta Iskuulaadka, Macallimiinta iyo waaridiinta, iyadoo laga eegayay dhinacyo badan oo kala duwan, waxaana ugu dambayntii la isku raacay inay u tahay  muhiim bulshada.

Tababarkaan oo ay si wada jir ah u soo qaban qaabiyeen Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland iyo Hay’adda Relief international ayaa kuwo la mid ay loo qabtay usbuucyadii la dhaafay Guddooniyayaasha Degmooyinka iyo Maamulayaasha Iskuulaadka ee guud ahaan Gobolada Puntland iyadoo ay wasaaradda ka gacan siinayeen Hay’adaha NRC, Care iyo ADRA.

Agaasimaha Waaxda Kormeerada iyo Tayadhowrka ee Wasaaradda Waxbarashda iyo Tacliinta sare Cabdulqaadir Yuusuf Nuux oo ka hadlay tababarkaan ayaa ka sheekeeyay ujeedooyinka iyo hadafyada ay Wasaaraddu ka leedahay, isagoo si toos ah u tilmaamay muhiimadaha ay leedahay Gabar wax la baro dhinac kasta oo ay ahaaba wuxuu sheegay inay bulshada u leedahay faa’iidooyin badan.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare Axmed Cabdi Cali Shire (Keyse) oo  gabagabadii tababarkaan hadal kooban uu ka jeediyay ku sheegay inay tahay arrim muhiim ah oo loo baahan yahay, taasoo uu ku micneeyay in waxbarashada gabdhuhu ay saldhig u tahay bulsho caafimaad qabta oo horumar gaadha, taasoo ka soo bilaabanaysa qoyska ilaa heer Dawladeed.

Agaasimaha ayaa u mahad celiyay Hay’adaha gacanta ka siiyay hawshaan, waxaana uu la dardaarmay Guddoomiyayaashii iyo Maamulayaashii ka qayb qaatay kuwaasoo uu ku dhiiri galiayay inay si ficil ah u fuliyaan wixii ay halkaan ku barteen.

JADWALKII TABABARADA EE GOBOLADA PUNTLAND

AGENCIES PROJECT FACILITATOR SUPERVISOR TARGET PARTICIPANTS TARGET REGIONS PARTICIPANTS TRAINING DURATION VENUES
CARE SOMGEP Prof Saed FahieProf  A/Nasir Hersi Mohamed I Finin H/Ts, Deos, REOS SANAG,KARKAR, SOL, AYN 58 28Dec – 01 Jan GAROWE
ADRA SOMGEP Prof Awsey ,Prof Sheekhuna Isse M Isse H/Ts, Deos, REOS MUDUG 29 27Dec – 2Jan GALKAIO
NRC NMFA Prof  A/Nasir Hersi H/Ts, REO NUGAL 17 20- 26 Dec GAROWE
Prof Jamal  Muse H/Ts,  REO BARI 28 22 – 28 Dec BOSASO
RI EGEP  Dr A/lla  A/ZizProf Md Cabdi A/kadir Y Nuh H/Ts, Deos, Reos & GFP MUDUG 30 22 – 25Dec GALKAIO
H/Ts, Deos, REO & GFP NUGAL 30 29Dec – 01Jan GAROWE
H/Ts, Deos, REO & GFP BARI 35 3 Dec – 6 Jan BOSASO

Hoos ka Daawo Sawiro fara badan oo Turjumaya Waxii la Qabatay.

 

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA WAXBARASHADA IYO TACLIINTA SARE DOWLADDA PUNTLAND

 Deeq Maxamed Warsame ‘’ Hurevov’’ Garowe, Puntland Somalia.

Scroll to Top