Soo bandhigid Qiimayn ku saabsan baahiyada Asaasiga ah ee Waxbarashada dugsiyada puntland.

12/March/2016-Waxaa Maanta hoolka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ka furmay shir wayn oo looga hadlayey daraasad ay horay u soo samaysay Wasaaradda Waxbarashada  iyo  Tacliinta sare iyo Hay’ada Care Mashruuceda  Waxbarashadu Waa iftiin.

Shirka ayaa Waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Abshir yuusuf Aw ciise  iyo Wasiir ku xigeenka Wasaardda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Dr Maxamed Cali Faarah iyo dhamaan shaqaalaha Wasaaradda iyo Hayadaha Taageera Waxbrashadda sida CARE, ADRA, Save  the Children oo la isku yiraahdo WWI.

Shirkaan ayaa u jeedadisu ahayd in xog u ruurintii la soo samayey bishii December 2015 in la ogaado Goobihii Waxbarashada puntland laga soo sameyey.

Waxaana soo bandhigaysay khubardii Daraasadka samayeyey oo ka socaday Waxbarashadu Waa iftiin.

Hayada Care ayaa Mashruuca ugu balaaran ka taageerta Wasaaradda Waxbarashada  iyo Tacliinta sare.

Wasiirka Wasaaradda Waxabarashda iyo Tacliinta sare ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay kulan Qiimaynta leh, waxa kale uu sheegay in Puntland Waxbarashadeeda meelkasta loogu Tago lana xakameeyo Baahida ka jirta Waxbarashada.

Wasiir ku xigeenka ayaa shirka sidaadihiyey una kuurgalay waxyalaha la soo bandhigay il gooniyana ku eegayey Barnamjika Waxbarashadu waa iftiin.

Hoos ka Daawo Sawirdda.

DSC01818 DSC01819 DSC01820 DSC01824 DSC01830 DSC01829 DSC01828 DSC01834 DSC01822 DSC01821 DSC01831 DSC01832 DSC01833 DSC01832 DSC01836 DSC01837

By:Deeq Maxamed Warsame.

Xooghaynta Wasaaradda Waxbrashada iyo Tacliinta Sare.

 

Scroll to Top