PUNTLAND OO GO’AANSATAY IN HORUMARIYO TACLIINTA SARE

Wareegtooyin ka soo kala baxay Xafiisyada Madaxweynaha Dawladda Puntland Md. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  iyo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Cali Xaaji Warsame oo lagu baahinayo wax ka badalidda Magacii horay loo oran jiray Wasaaradda Waxbarashda Puntland loona badalay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ayaa soo gaaraya Web-ka Wasaaradda Waxbarashada ee www.moepuntland.com.

Wareegtooyinkan oo dabasocda Shirkii khamiislaha ahaa ee Golaha Xukuumadda Puntland ay isugu yimaadaan ee Sebtembar 11, 2014, ka dhacay Xarunta Madaxtooyada kaasoo lagu go’aamiyay in lagu sameeyo isbadalkaasi.

Madaxweynaha Puntland ayaa si sharci ah Xafiiskiisa uga soo saaray wareegto uu ku tixraacayo go’aankaasi, qoraal cadna kaga soosaaray in Magacii wasaaradda oo horay u ahaan jiray Wasaaradda Waxbarashda lagu badalay WASAARADDA WAXBARASHADA IYO TACLIINTA SARE.

Waxaa sidoo kale Wareegto la mid ah midaasi soo saaray Wasiirka Wasaaradda Waxbarashda iyo Tacliinta sare Md. Cali Xaaji Warsame oo uu ku ogeysiinayo dhammaan Waaxyaha iyo shaqaalaha wasaaradda in magacii Wasaaradda Waxbarashada lagu badalay WASAARADDA WAXBARASHADA IYO TACLIINTA SARE.

Isbadalkaan lagu sameeyay Magaca Wasaaradda ayaa laga dheehan karaa sida Maamulkan uu hoggaanka u hayo Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali gaas ay ka go’an tahay tayaynta Tacliinta sare ee Puntland iyo wax kabadal lagu samaynayo Jaamacadaha ka jira Puntland iyo weliba sidii ardayda kumanaanka kor u dhaaftay sanadba sanadka ka dambeeya sii kordhaya ay u heli lahaayeen waxbarasho tayaysan oo ay ku hanan karaan mustaqbalkooda, loona ifiyo wadadii ay ku gaari lahayeen hadafyadooda aqooneed, si ay ugu maareeyaan noloshooda iyo horumarka dalkoodu ka sugayo.

Waxaa sidoo kale midaasi bar-bar socota sidii loo yarayn lahaa Tahriibka iyo u hanqaltaagga ku soo badanaya dhallaanka, kuwaasoo ay sanad walba kumanaan dhallinyaro Soomaaliyeed ah ay ugu le’daan Saxaraha Dalalka Suudaan iyo Liibiya iyo Badda u dhexeysa Liibiya iyo Talyaaniga, halka kuwo kale oo badanina ay ku dayacan yihiin Wadamada yurub iyagoo ku hungoobay beentii iyo sawirkii khaldanaa ee ay ku soo shubeen danaystayaal la shaqeeya Magafayaasha dhigtay isbaarooyinka saxaraha iyo kuwo doonyaha macmalka ah lacagta badan uga furta si ay ugu le’daan badda.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland waxa ay sidoo kale aad ugu dadaalaysaa in ardayda ka dhalatay qoysaska danyarta ah ay ku heli karaan Puntland gudeheeda Waxbarasho tayaysan oo ay uga maarmaan inay u hanqal taagaan dhaldhalaal aan dani ugu jirin iyo inay ka hanjabaan waxbarashadooda toonna.

Scroll to Top