Prof Siciid Salah Oo La Kulmay Ardada Dugsiga Sare Gambool Khudubad Qiima Lehna Halkaasi Ka Jeediyay

Waxaa dugsiga sare ee Gambool maanta lagu qabta kulan qiima leh asagoo uu soo agaasimay wasiirka waxbarashada Puntland  Mudane Juxa,kulankan ayaa ujeedkiisa ahaa in ay ardada dugsiga sare ay ka faaidystaan aqoonyahan soomaaliyeed abwaan,macalin Siciid Salax Oo dhawaantan ku sugnaa wadanka asagoo kasoo kicitimay dalka maraykanka .

Pro.Saciid Saalax, ayaa waxa uu aad iyo aad uga sheekeeyay taariikhda Afka Soomaliga, waxaana uu sheegey in uu aaminsan yahay ka dhalashadii Nabi Ciise CHS  3000 uu jirey Afkan, waxa uu sheegey in uu yahay afafka adduunka ugu weyn, waxa uu sheegey in aan loo baahneyn in Afkan laga guuro, isaga oo xusey in laba todobaad oo kasta Af uu adduunka ka baxo, waxa uu ku baaqey in la barto oo waxa  uu yiri qof kastaaba waa u baahan yahay in uu barto.

 

Eng. Cabdi Maxamuud Saleebaan ayaa Ardeydii halkaasi fadhidey waxa uu u sheegey in ay ku qanacsanaadaan in ay yihiin Muslimiin, Madow ah oo Soomaali ah oo ay ku dhaganadaan Diintooda, Dhaqankooda iyo Afkooda, waxaana uu tusaale u soo qaatey dad badan oo Muslimiin ah oo adduunkan wax badan oo Cilmi maadi ah ku soo kordhiyay sida ninka qorey Xisaabta Aljabrada loo yaqaan, Ninkii sameeyay Qariirada Africa iyo dad badan oo uu tirshey oo Cilmi aad u sareeya soo saarey oo ahaa dadkii ugu horeeyay, waxa uu sheegey in aysan Maanka galin in qofka cad kaliya loo daayo cilmiga Casriga ah.

Agaasimaha Hay’adda Cilmi Baarista Puntland PDRC Cabdiraxmaan Cabdulle Shuuke ayaa xusey in loo bahan yahay in laga faa’iideysto aqoonyahanada dibada ka yimid, waxaana uu sheegey in ay muddo dheer isyaqaaneen Saciid Saalax oo yahay in taariikh kuleh afka Hooyo.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Puntland Cabdi Saciid juxa oo aad u soo dhaweeyay uguna mahadnaqey Macalimiintan ayaa waxa uu sheegey in Wasaaradiisu ay ku dadaaleyso in ay dhiirigaliso kor u qaadida iyo nooleynta Barashada Afka.

 

Kulamadan ayaa inbadan lagu qabtay dugsiga sare waxaana horay kulama uga qabtay Abwaana Soomaaliyeed uu kamid yahay Gudoomiyaha Qalinlayda Soomaaliyeed Prof Maxamed Dahir Afrax iyo abwaana kale oo soomaaliyeed,wasaarada waxbarashada ayaa iyada dadaal dheer ugu jirta sidii loosoo noolaynlahaa dhaqanka iyo hidaha Soomaaliya  .

 

Amaal Abdulahi Ali
Ministry Of Education
Puntland Somalia
Scroll to Top