Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada oo kormeer ku tagay Degmada Dangorayo ee Gobolka Nugaal.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland , Mudane Abdulaahi Mohamed Xasan oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday Maamulka Waxbarashada Gobolka Nugaal ayaa waxay kormeer ku sameeyeen Goobaha Waxbarasho ee Degmada Dangorayo.

Waxaa kormeerka loogu gol-lahaa darsida baahida adeegyada waxbarasho ee Degmada, iyo qaabka ugu haboon ee loo abaari lahaa si loo hubiyo inay Degmada ka hirgasho waxbarasho tayadeedu sarayso.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo mas’uuliyiitii ku wehlisay kormeerka ayaa waxay mid mid u booqdeen Fasalada Goobaha Waxbarasho ee Degmada Dengorayo ayagoo warbixino ku saabsan xaalada waxabasho ee Degmada ka dhagaystay Maamuleyaasha Goobaha Waxbarashada ee dugsiyada hoose, dhexe iyo Sare, kuwaasoo si faahfaahsan uga war-bixiyay baahida adeegyada waxbarasho.
Waxay sidoo kale Maamuleyaasha Goobaha Waxbarasho soo gubiyeen codsiyo ayagoo dalbaday in dhinacyo badan laga taageero.

Agaasimaha Guud Mohmed Cali Faarax Farmayeeri ayaa balan qaaday waxii baahiya oo ka dhiman Dugsiyada Dangorayo loo dhamaystiri doono iyadoo tayada Waxbarashada Puntland kor loo qaadayo.
Ugu dambeyn, Wasiirka Waxbarashada oo la hadlay ardaydii wax ka baranaysay Goobaha uu kormeerka ku tagay ayaa ku booriyay ardayda in ay sii laba laabaan dadaalkooda Waxbarsho, isagoo dhanka kale aad ugu dheeraaday muhiimada ay leedahay Ina ay ardayda Degmada Dangorayo helaan waxbarasho tayadeedu sarayso. Wuxuu Wasiirka balan qaaday in uu isbedel la taaban karo ku sameyn doono dhamaan Goobaha Waxbarasho ee Degmada Dangorayo .

Hoos ka Daawo Sawiradda.
16

1

2

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15

Scroll to Top