Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dawladda Puntland ayaa markii ugu horraysay kulan muhiim ah la qaatay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS, Eng. Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Cabdullaahi Carab) iyo Wasiir-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare, C/raxmaan Maxamuud Cabdullaahi (Jaabir).
Kulanka oo ka dhacay xarunta dhexe ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dawladda Puntland ayaa saacado dheer qaatay, iyada oo lagaga wada hadlay arrimaha Waxbarashada labada Wasaradood.
Ugu dambayn, waxaa is-afgarad laga gaaray arrimihii murugsanaa ee muddo dhex taagnaa labada Wasaaradood.















