Mashruuc lagu hormarinayo Waxbarashada Puntland oo loo qabatay tartan hay’adihii fuli lahaa.

1/19/2019- Kulan Balaaran ay isku yimaadeen Masuuliyinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare iyo Haya’daha Taageera Waxbarashada Puntland ayaa Tartan loo qabtay Tartankaas oo ahaa mashruuca Education cannot wait waxaan shir gudoomiye ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Maxamed Cali Faarax Farmayeeri waxaana ka soo qayb galay Agaasimayaasha waaxyaha kala duwan sida Agaasimaha Waaxda Mashaariicda, Agaasimaha Waaxda Waxbarashada Tooska ah, Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyada iyo latalyaasha Wasaaradda Waxbarashada.

“Mashruucan Education cannot wuxuu ka hirgeli doonaa dhammaan gobollada dalka, qaasatan meelaha dadka ku badan yihiin,arintan waa mid wanaagsan islamarkana baahi weyn loo qabo, mashruucan hadii aan ku guuleysano, waxaa hirgeli doono mashaariic kale”ayuu yirI agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sareWasaarada waxbarashadu waxa ay qabatay kala soocistii mashruuca Education cannot wait  kaas oo dhamaadkii wasaaradu soo xayeysiisay waxaa soo xareeyey oo doonistooda mashruuca muujiyey 4 hayadood oo kala ah CARE international, Save the children, world vision iyo ururka maxaliga ah  Shilicon.

Wasaaradu waxa ay kala soocista mashruucaas u xoshay gudi todoba xubood ah oo ka ka kooban Wasaarada, UN, WFP hay’adaha caalamiga oo matalayso Mercy corps iyo EU, ururada maxaliga ah Tadamun.

Hoos ka Daawo sawirada.

IMG_2078 IMG_1961 IMG_1962 IMG_1963 IMG_1964 IMG_1965 IMG_1966 IMG_1967 IMG_1972 IMG_1973 IMG_1974 IMG_1980 IMG_1982 IMG_1983 IMG_1986 IMG_1987 IMG_1989 IMG_1993 IMG_1994 IMG_1995 IMG_1998 IMG_1999 IMG_2000 IMG_2002 IMG_2013 IMG_2014 IMG_2015 IMG_2020 IMG_2021 IMG_2023 IMG_2028 IMG_2029 IMG_2030 IMG_2034 IMG_2037 IMG_2038 IMG_2041 IMG_2042 IMG_2047 IMG_2049 IMG_2050 IMG_2051 IMG_2053 IMG_2054 IMG_2061 IMG_2062 IMG_2063 IMG_2070 IMG_2071 IMG_2076 IMG_2077

By Deeq Hurevov Madaxa isku xirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare.
Scroll to Top