Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaarada waxbarashada oo Baarlamaanku maanta su’aalo weydiiyeen

Baarlamaanka Puntland ayaa maanta u yeeray qaar kamid ah Madaxda Wasaarada waxbarashada si wax looga waydiiyo waxqabadyadii ugu danbeeyey ee Wasaarada intii sanadkan lagu guda jirey. Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Waxbarashada iyo Agaasimaha waaxda Mashaariicda iyo Farsamada gacanta oo saaka Baarlamaanka hor yimid ayaa ugu horeyn mudanayaasha Baarlamaanka u qaybiyey qolaaro muujinaya waxqabadka Wasaarada ee Sanadkan sii dhamaanaya ee 2011. Waxaana waxyaabihii u qabsoomay Wasaarada iyo talaabooyinkii ay qaaday sharaxaad kooban ka bixiyey Agaasimaha waaxda Mashaariicda ee Wasaarada waxbarashada Puntland isagoo sheegay in Wasaaradu sanadkan ay ku guuleysatey inay gaarto deegaano badan oo fog fog . Intaas kadib waxay Mudanayaasha Baarlamaanku labadaas Mas’uul weydiiyeen Su’aalo tira badan oo ku aadanaa waqabadka Wasaarada iyo waxa u qorsheysan inay qabato sanadaha soo socda iyagoo dhinaca kale codsaday in si faah faahsan xog dhamaystiran arimahaas looga siiyo. Xildhibaanada ayaa arimihii ay maanta Su’aalaha badan ka keeneen waxaa kamid ahaa deeqdii waxbarasho ee Turkiga oo Wasaarada lagu soo eedeeyey in aanay si wanaagsan u maamulin iyo weliba qorshaha Wasaarada ee ku aadan ardeyda dugsiyada sare ka baxa ee aanay u suurta gelin in ay waxbarashadooda sii wataan.

Wasiir ku-xigeenka Wasaarada waxbarashada Puntland Maxamuud Maxamed Idiris oo isagu Su’aalaha xildhibaanada intooda badan ka jawaabayey ayaa sheegay in Wasaaradu aanay u madax banaaneyn maareynta deeqihii waxbarasho ee ay dowlada Turkigu ardeyda Soomaaliyeed u fidisay, islamarkaana ay ku khasbanaayeen in ay raacaan maamulka kooxdii ay dowlada Turkigu arintaas u xilsaaratay iyada oo la eego sida ay fursadaasi qaaliga u tahay lagana dhowrsanayo wax walba oo suurtagal ka dhigi kara in la seego.

Mr Idiris ayaa sidoo soo hadal qaaday ardayda dugsiyada sare ka baxa ee aan nasiibka u yeelan in ay waxbarashadooda sii wataan wuxuuna sheegay in ay u nugul yihiin arimo badan oo ay kamid yihiin in ay ku biiraan Al-shabaab iyo kooxaba Burcad badeeda ah.

Wasiir ku-xigeenka waxbarashada ayaa ugu danbeyntii xusay in Wasaaradu ay dadaal dheeri ah ugu jirto sidii ay ardaydaasi waxbarashadooda usii wadan lahaayeen arintaasina ay tahay mid u baahan in dhaqaale loo helo wuxuuna xildhibaanada ka codsaday in ay Wasaarada taageeraan.

Isku soo wada duuboo Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa ka qancay jawaabihii ay siiyeen Wasiir ku xigeenka waxbarashada iyo Agaasimaha Mashaariicda oo maanta Golaha Baarlamaanka hor yimid si ay faahin uga bixiyaan waxqabadka Wasaarada ee sanadka 2001 iyo qorsheheeda ku aadan sanadka soo socda.

 

Amaal Abdulahi Ali

Ministry Of  Education

Media Unit

Scroll to Top