Manhajka Waxbarashada dowladda Puntland oo lagu daridoono Waxbarashada Nabada iyo uqareemideeda.

07/08/2014,  Wasaaradda waxbarashada ee dowladda Puntland ayaa maanta tababar socday muddo saddex cisho usoo gabagabaysy 32 arday ah oo ka kala socday gobolada Nugaal, Bari, Sool iyo Sanaag, kuwaas oo loo tababarayay in manhajka Puntland lagusoo daro waxbarashada dhismaha nabada iyo uqareemida.

Agaasimaha imtixaanaadka ahna ku simaha agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Puntland Axmed Maxamuud Warsame (Axmed Saahid) ayaa sheegay hadafka laga leeyahay barnaamijkaan inuu yahay wax walba oo ku saabsan nabada iyo kala dambaynta in lagusoo darro manhajka waxbarashada oo ay haatan gacanta ku hayaan.

“ Manhajka Puntland waxaa la rabaa inuu daaweeyo wax walba oo uu jawaab u helo mushkiladaha maanta ugu weyn ee Soomaaliya la haray. waxaana kamid ah,  kala dambayn la’aan, nabad galyo xumo, is qabsi qabsi joogto ah,  muran iyo looma dhamo wax la yiraahdo, ayuu yriri Axmed Saahid.

Axmed Saahid waxaa uu sheegay ardayda la tababaray in loo kala diridoono gobolada Puntland iyadoo uu tilmaamay inay dadka kasoo wareysandoonaan waxyaabaha uqareemaya nabada iyo macluumaad badan oo la xiriira sida nabad galyada kor loogu qaadi karo si loogu darro manhajka waxbarashada.

“ Waxaan doonaynaa jiilka noosoo baxaya iyo kuwo hadda waxbarashada ku jira intuba inay ku tarbiyaysnaadaan wax alaale waxa keenaya kala dambaynta , ismaqalka keenaya, isfahamka keenaya oo xoojinaya wada hadalka, “ayuu hadalkiisa kusii daray.

Agaasimaha ayaa sheegay sababta arintaan loogu xushay dhallinyadda inay tahay maadaama dhallinyaradu yihiin mustqbalkii berito ee dalka hogaamin lahaa.

Wuxuu ugu dambayn kula dardaamay ardayda inay mas’uuliyad xoogan iska saaraan wareysiga ay la yeelanayaan dadka ay la kulmayaan islamarkaana ay si xushmad ah wax uweydiiyaan qof walba oo ay la kulmayaan.

Waa tababarkii ugu horeeyay oo nuuciisa ah waxaana soo qaban qaabiyay hay’adda AET (African Education Trust) oo maal galin ka helaysa hay’adda Unicef.

Halkaan ka daawo sawiradda.

DSC_5324DSC_5325DSC_5326DSC_5327DSC_5328DSC_5329DSC_5330DSC_5331DSC_5333DSC_5334DSC_5335DSC_5336DSC_5337DSC_5338DSC_5339DSC_5341DSC_5342DSC_5345DSC_5346DSC_5347

 

Wasaaradda Waxbarashadda Puntland.

Deeq Maxamed Warsame

Contact number+2525743400

Deeq. hurre99@Gmail.com

 

Scroll to Top