Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia Oo Loogu Soo Dhaweeyey Magaalada Garoowe

Halkaan Waxaan idinkugu soo gudbineynaa sida magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland loogu soo dhaweeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Wafdi uu hogaaminayo ay gaareen gelinkii dambe ee maanta halkaasi.


Madaxweynaha Dawlada Kumeel gaarka ah ee Soomaaliyeed Shariif Sheekh Axmed waxaa maanta safarka ku wehelinayey Dhowr Wasiir iyo xildhibaano katirsan dawlada Soomaaliya Waxaana soo dhawayntiisa ka qaybgalay Madaxda Puntland oo uu uhoreeyo Madaxweynaha Puntland, kuxigeenkiisa Hogaanka golaha Wakiilada, Wasiiro katirsan dawlada, Madaxda kale ee Puntland iyo xubno badan oo katirsan Puntland iyadoona ay ka qaybgaleen Boqolaal dadweyne ah oo watay Calanka Soomaaliya iyo kan Puntland adeegsanayeyna erayo lagu waynaynayo Midnminada iyo isku xirnaanta Soomaaliweyn.

Madaxweynaha dawlada Puntland ee Soomaaliyeed Dr.Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole) oo Warbaahinta ay hadal wadajir ah siiyeen isaga iyo Shariifka TFG-da ayaa sheegey in ay ku faraxsanyihiin Siyaarada uu Puntland ku yimid Madaxweynaha Soomaaliya taasoo hordhac muuqda u ah ka qaybgalka dawlada Soomaaliya ee shirka dib u eegista Tastuurka Soomaaliya ee todobaadkan Dhamaadkiisa Garoowe ka furmaya Wuxuuna Madaxweynuhu sheegey in shirku uu si rasmi ah u furmayo Arbacada dhow ayna dawlada Puntland iyo shacabkeeduba u diyaargaroobeen shirkaas iyo ka qaybgalayaasha sidii loo soodhawayn lahaa.

Madaxweynaha Kumeel gaarka ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo isna ka hadlay Garoonka Garoowe ayaa muujiyey inuu aad ugu faraxsanyahay soodhawaynta heerka sare ah ee loosameeyey maanta isagoona sheegey inuu Garoowe u yimid inuu ka qaybgalo shirka muhiimka ah ee Tastuurka Soomaaliya ee imika dib loogu eegayo, Madaxweyne Shariif Wuxuu Carabka ku dhuftay inuu hordhac uyahay Ergada ka qaybgalaysa shirkan isagoona sheegey in dawladiisu ay si balaaran shirka uga qaybgalay, Tanina waa booqashadii labaad ee uu madaxweyne Shariif kuyimaado Puntland islamarkaasna waa markii labaad ee intii uu Madaxweynaha Soomaaliya ahaa uu dhinac uga boxo Caasimada Soomaaliya uuna tago meel kale oo gobolada dalka kamid ah.

 

Amaal Abdulahi Ali

Ministry Of Education

Media Unit

Scroll to Top