Madaxwayne ku xigeenka Puntland oo dhagax dhigay xarunta Wasarada Waxbarashada

 

 

Xarun cusub oo ay yeelanayso Wasaarada Waxbarashada ayaa waxaa maanta dhagax dhigay madaxwayne ku xigeenka Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire oo ay weheliyeen wasiirada,waxbarashada,arimaha gudaha,mamulka Garowe,saraakiil ka socday hay’addo calamiya iyo marti sharaf kale.

Wasiirka waxbarashada Puntland Cabdi Faarax Siciid ”Juxa” oo ka mid ahaa masuuliyiintii dhagax dhigaasi ka hadlay,ayaa sheegay dhismahaan inuu ka kooban yahay 160×120,wuxuna sheegay juxa dhismahaani inuu yahay mid loogu talo galay wasarada waxbarashada.

Juxa waxa u sheegay xarunta wasarada waxbarashada oo ku taala martamaha magalada Garowe inay ahayn doonto goobta wasarada lafdhabarka u ah,balse meeshaan la dhisayo ay noqon doonto mid qayb ka ah wasarada,oo lagu wado in mustaqbalka la dagi doono.

”Xaruntii hore ee wasarada waxbarashada way buuxsantay balse xaruntaani cusub waxay noqon doontoo xarunta cusub ee wasarada waxbarashadu ay ku fido boqolka sano ee soo socda,hada waxanu dhisayno waa dayrkii oo kaliya inta kalane tartiib tartiim ayaa loo dhisayaa”Juxa.

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire oo goobta ka hadlay ayaa sheegay xukumada talada haysa inay ku guulaystay in wasaarado badan oo magalada guryo kiro ah ku jiray ay u samayso xarumo ay dagaan oo magalada ka baxsan,wuxuna sheegay dhagax dhiga xaruntaan inay wax wayn ka tari doonta waxbarashada Puntland.

Dhowr wasaaradood ayaa sidaan oo kale loogu dhagax dhigay duleedka waqooyi ee magalada Garowe,waxana halkaasi horay looga dhisay wasaradaha caafimaadka iyo cadaalada.

Amaal Abdulahi Ali

Minstry Of Education

Media Unit

Scroll to Top