Madaxwayne ku xigeenka Puntland oo booqday Markii ugu horasay wasaradda waxbarashada Puntland.

Madaxwayne ku xigeenka dowladda Puntland Eng.Cabdixakiin Cabdilaahi Camay ayaa  socdaal ka dis ah waxa uu ku tagay xarunta Wasaradda Waxbarashada Puntland halkaasoo ay ka socotay shaqadii maalin-laha ahayd.

Waxa uu la kulmay Wasiirka Waxbarashada Cali Xaaji Warsame.Wasiir ku xigeenkiisa Dr.Maxamed Cali Faarax iyo qaybaha kala duwan ee shaqalaha xarunta dhexe ee wasaradda.

Wasiir Cali Xaji Warsame iyo Dr.Maxamed Cali Farax ayaa madaxwayne ku xigeenka soo kala tusay xarumaha ay waaraddu ka kooban tahay iyo waliba sida ay shaqadu maanta u socoto.

Madaxwayne ku xigeenka dowladda Puntland ayaa aad ula dhacay qaabka wanaagsan oo ay shaqalaha wasaradda waxbarashada iskugu xiran yihiin iyo sida ay ugu heelan yihiin shaqadooda,iyadoona xiliga uu Camay booqanayay wasaradda ay ahayd xiliga ugu horeeya ee shaqadda dowladda la qabto.

Wasiir Cali Xaaji Warsame ayaa u sheegay Madaxwayne ku xigeenka Puntland howlaha wasaradda iyo kuwa gobaladda siday u socdaan iyo sida ay uga go’an tahay in bulshadda Soomaaliyeed loo addeego.

Eng.Camay ayaa ka barqaati kacay in wasaradda waxbarashada Puntland ay ku jirto wasaradaha ugu shaqadda wanagsan wuxuna tilmaamay in wasaradaha kalana looga baahan yahay ina ku day-daan Wasarada Waxbarashada.

Madaxda wasaradda waxbarashada ayaa sheegay inay shaqalaha wasaradda ka howlgala ay yihiin kuwo ilaaliya xiliga shaqadda lasoo galo iyo xiliga laga baxo,taasoo keenta in shaqadu ay u socoto sidii loogu talo galay.

Madaxwayne ku xigeenka ayaa dhowaan bilaabay booqasho gaadmo ah oo uu ku tagayo wasaraddaha dowladda,si loo ogaado shaqadu inay daacad ka tahay iyo in kale.

DAAWO SAWIRADII BOOQASHADA MADAX WAYNE KU XIGEENKA OO KU YIMI WASAARADDA WAXBARASHADDA.

 

DSC03938 DSC03939 - Copy DSC03939 DSC03940 DSC03941 DSC03942 DSC03943 DSC03944 DSC03945 DSC03946 DSC03947 DSC03949 DSC03950 DSC03951 DSC03952 DSC03953 DSC03954 DSC03955 DSC03956 DSC03957 DSC03958 DSC03959 DSC03960 DSC03962 DSC03963 DSC03964 DSC03965 DSC03966

DSC03967

 Wasaaradda Waxbarshada Puntland.
Deeq Maxamed Warsame
Contact Number: +2525743400
Deeq.hurre99@gmail.com

 

 

Scroll to Top