Kulan Looga Hadlayo Midaynta Manaahijta Waxbarashada Dadban Oo Manta Lagu Qabtay Xarunta Wasaarada

Shir aysoo qaban qaabiyeen waaxda manhajka ee wasaarada waxbarashada ayaa waxaa kasoo qaybgalay xubna fara badan oo ka kala socday hay`adaha daneeya arimaha waxbarashada gacana ka gaysta kor uqaadida waxbarashada,waxayna dhamaantood ku xiranyihiin wasaarada waxbarashada oo ay leeyihiin wada shaqayn wanaagsan.

Kulankan ayaa waxa  uu ahaa ujeedkiisa sidii loo hormarinalhaa manhajka waxbarashada dadban ee loo yaqaan (NFE Curriculum) oo ay sheegeen xubnaha wasaarada uqaablisan hormarinta manaahijta in loo baahanyahay in lagu sameeyo dib u eegis lana mideeyo manahajka waxabrashada dadban oo laga dhigo hal mid.

Agaasimaha waxda waxbarashada dadban Marwo Safiya Mama aya mar aan waxka waydiyay barnaamijkan iisheegtay in ay soo wadeen muda kuna hawlanaayeen haatan uu marayo xili gabagaba ah ayna dhawaan soo saaraaa,manhaj midaysan oo ay yeeshaan waaaxdaas una horseedi doona in la helo waxbarasho tayo leh.

Agaasimaha Waaxda Waxbarashada Dadban (Marwo Safiya Mama)

Amaal Abdulahi Ali

Ministry Of Education

Media Unit

 

 

Scroll to Top