Kormeerkii Waxbarshada Gobolka Nugaal oo si habsami leh uga socda Goobaha Waxbarashada Gobolka Nugaal

27\03\ 2017- Malmahan ba saa ula socteen  kormeerka Waxbrashada Gobolada kala ah Karkaar iyo Nugaal ayaa waxa ka socaday kormmeer lagu xoojinayo Tayada waxbarshada iyo sidii kor lagu qaadi laha tacliinta ubadkeena.

Degmada Garowe oo si habsami leh  uga socda Kormeerka teamamkii ayaa shaqooyinkoodii loo idmaday  waxay ka bilabeen dugsiyada jadwalka ugu jiray oo kala ahaa Dugsiga sare Al waxaa, Dugsiga sare ee Nugaal, Dugsiga Hoose dhaxe New Wabari, Dugsiga Hoose dhaxe Waabari.

Teamamka Garoowe ayaa waxaa hogaaminya Madaxa Manahijta ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare eng Nuur Ciiro   iyo kormeeraha 1aad ee Gudoonka  Waxbarashada Gobolka Nugaal Cumar Guure iyo qayb ka mid ah   shaqaalaha dhexe ee Wasaaradda Waxbarsahada iyo Tacliinta sare.

Maamulayaasha Dugsiyada iyo Macalimiinta ayaa diyaarinaya liisaska Xaadiriska fasalada iyo tirada u fadhida fasal walba.

Kormeerkaan oo ka kooban labo qeybood oo ah Gobolka Nugaal oo ay kala  hogaaminyaan Madaxa Waaxda  Tayenta ee kormeerka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare C\dalla Xuuxule iyo Madaxa Manahijta  Wasaaardda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Eng Nuur Ciiro ,ayaa si waaxda tayadhowrka waxbarashadu u ogaato halka ay waxbarasharadu marayso Gobolka Nugaal ayaa waaxda kormeerku u kala baxeen Degmooyinka hoos yimaada Gobolka Nugaal.

Ujeedadda Kormeerkan ayaa ah si looga hortago shahaadooyinka iyo bedelada been-abuurka ah ee ku soo badanaya magalooyinka Waa wayn dugsiyadooda, gaar ahaan dugsiyada sare iyo kuwa dhaxe oo majo-xaabin iyo burbur ku ah tayada waxbarashada Puntland.

waxay ka shaqaynayan dhammaan Masuuliyiintan Waxbarashada Gobollada iyo Degmooyinka ,Kormeeraha Guud iyo Kormeerayaasha Gobollada , Agaasimaha Waaxda Waxbarashada Tooska ah,Madaxa Qeybyada Wasaaradda inay qaadaan tallaabooyin wadajir ah oo lagu xaqiijinayo habsami u socodka waxbarashada dugsiyada isla markaana looga hortagayo wax kasta oo hagardaamo ku ah waxbarashada.

Ujeedaddooyinka kale ee guud kormeerkaan ayaa lagu sheegay inuu yahay in kor loo qaado tayada qofeed ee ardayga iyo ujeedooyin kale oo ay kamid yihiin, Baarista ardayga booda iyo cadaynta sugnaanta bedelada, Hagaajinta maamulka dugsiyada,Cashar eegista fasalka iyo qodobo kale.

Tallaaboooyinkaas waxaa ka mid ah:

In mas’uuliyiiinta kor ku xusani ay sameeyaan kormeer buuxa oo ay ugu kuurgalayaan cidda ka danbeysa sameynta bedellada iyo shahaadooyinka been-abuurka ah iyo dugsiyada dhiirigalinaya falalkaas xun.
Ciddii lagu helo iyada oo falkaas ka shaqeynaysa ama dhiiri galinaysa waxaa laga qaadi doonaa tallaabada ku haboon oo heer wasaaradeed ah.
Ardaygii aan silsiladda ama jaraanjarada Waxbarashada aan raacin ama soo booday ma fariisan doono imtixaaanka shahaadiga ah.
Goobta in wax lagu barto loo furanaayo oo aan laga fakirin haboonaantooda xag caafimaad iyo xag waxbarsho toona.
Dadajin iyo bootin laga gadaayo ubadka iyo waalidka aan waxbarshada fahamsanayn.
Macallimiin jaban oo tayadoodu liidato oo laga soo waarido meelo ka baxsan waddanka,si dhaqaale loo abuurto.

 

 

By: Deeq Hurevov Madaxa isku xirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare

 

Scroll to Top