Kormeerkii Waxbarshada Degmada Boosaso oo si habsami socod ah uga socda Maalintii 5aad Goobaha Waxbarashade Magalada Boosaso

20\12\2017- Maalintii 5aad kormeerka Waxbrashada Degmada boosaso oo si xowli ah ku socda ayaa saaka aroortii teamamkii shaqooyinka waxay kala aaden dugsiyada jadwalka ugu jiray.

Gudoomiyaha Waxbarashada Degmada Boosaso Abdulahi Abshir Xasan iyo qayb ka mid ah kormeerayaasha Gobolka iyo shaqaalaha dhexe ayaa howshoodii caadiga ah ka sii waday maalintii 5aad ee kormeerka.

Maamulayaasha Dugsiyada iyo Macalimiinta ayaa diyaarinaya liisaska Xaadiriska fasalada iyo tirade u fadhida fasal walba.

Kormeerkaan oo ka kooban saddex qeybood oo hogaaminya Madaxa kormeerka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare C\Laahi Xuuxule ayaa ka socda Magalada Boosaso, si waaxda tayadhowrka waxbarashadu u ogaato halka ay waxbarasharadu marayso degmada Boosaso.

Si  looga hortago shahaadooyinka  iyo bedelada been-abuurka ah ee  ku soo badanaya magalada Boosaso dugsiyada gaar ahaan dugsiyada sare iyo kuwa dhaxe oo majo-xaabin iyo burbur ku ah tayada waxbarashada Puntland, waxay ka shaqaynayan dhammaan Masuuliyiintan  Waxbarashada Gobollada iyo Degmooyinka ,Kormeeraha Guud iyo Kormeerayaasha Gobollada , Agaasimaha Waaxda Waxbarashada Tooska ah,Madaxa Qeybyada Wasaaradda  inay  qaadaan tallaabooyin wadajir ah oo lagu xaqiijinayo habsami u socodka waxbarashada dugsiyada isla markaana looga hortagayo wax kasta oo hagardaamo ku ah waxbarashada.

Ujeedadda guud ee kormeerkaan ayaa lagu sheegay inuu yahay in kor loo qaado tayada qofeed ee ardayga iyo ujeedooyin kale oo ay kamid yihiin, Baarista ardayga booda iyo cadaynta sugnaanta bedelada, Hagaajinta maamulka dugsiyada,Cashar eegista fasalka iyo qodobo kale.

Tallaaboooyinkaas waxaa ka mid ah:

  • In mas’uuliyiiinta kor ku xusani ay sameeyaan kormeer buuxa oo ay ugu kuurgalayaan cidda ka danbeysa sameynta bedellada  iyo shahaadooyinka been-abuurka ah iyo dugsiyada dhiirigalinaya falalkaas xun.

 

  • Ciddii lagu helo iyada oo falkaas ka shaqeynaysa ama dhiiri galinaysa waxaa laga qaadi doonaa tallaabada ku haboon oo heer wasaaradeed ah.

 

  • Ardaygii aan silsiladda ama jaraanjarada Waxbarashada aan raacin ama soo booday ma fariisan doono imtixaaanka shahaadiga ah.

 

 

  • Goobta in wax lagu barto loo furanaayo oo aan laga fakirin haboonaantooda xag caafimaad iyo xag waxbarsho toona.

 

  • Dadajin iyo bootin laga gadaayo ubadka iyo waalidka aan waxbarshada fahamsanayn.

 

 

  • Macallimiin jaban oo tayadoodu liidato oo laga soo waarido meelo ka baxsan waddanka,si dhaqaale loo abuurto

Hoos ka Daawo sawiradii kormeerka maalintii 5aad iskuulada degmada Boosaso.

IMG_2870 IMG_2762 IMG_2763 IMG_2764 IMG_2765 IMG_2766 IMG_2770 IMG_2771 IMG_2772 IMG_2774 IMG_2776 IMG_2780 IMG_2782 IMG_2786 IMG_2799 IMG_2800 IMG_2803 IMG_2804 IMG_2806 IMG_2807 IMG_2808 IMG_2812 IMG_2818 IMG_2819 IMG_2827 IMG_2832 IMG_2836 IMG_2837 IMG_2838 IMG_2847 IMG_2857 IMG_2858 IMG_2863 IMG_2868 IMG_2869 IMG_2955 IMG_2956 IMG_2873 IMG_2878 IMG_2882 IMG_2887 IMG_2888 IMG_2889 IMG_2891 IMG_2892 IMG_2893 IMG_2894 IMG_2895 IMG_2897 IMG_2898 IMG_2900 IMG_2901 IMG_2903 IMG_2906 IMG_2907 IMG_2909 IMG_2913 IMG_2915 IMG_2921 IMG_2923 IMG_2925 IMG_2926 IMG_2930 IMG_2931 IMG_2938 IMG_2941 IMG_2945 IMG_2947 IMG_2952

By; Deeq Hurevov
Madaxa isku xirka Wasaaradda Waxabarashada iyo Tacliinta sare

Scroll to Top