Kormeeraha Guud ee Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare oo Maalintii 4aad Kormeeraya Xarumha Waxbarashada Degmada Qardho

27\ 03\2018-  Maalintii 4aad kormeerka Waxbrashada Degmada qardho oo si xowli ah ku socda ayaa saaka aroortii teamamkii shaqooyinka waxay kala aaden dugsiyada jadwalka ugu jiray Dugsiyadda kala aha Dugsiga Hoose\dhaxe ee Xaaji Cismaan iyo Dugsiga Hoose\ dhaxe Xaaji Aadan, Dugsiga hoose\ dhaxe Xaaji Abshir iyo Dugsiga hoose\ dhaxe ee Sacaada.
 
Gudoomiyaha Waxbarashada Degmada Qardho siciid Maxamed Faahiye iyo Gudoomiyaha Waxbarshada Gobolka Karkaar Bashiir Axmed Gala iri iyo kormeeraha 1aad ee Gobolka Karkaaar Mahad Yuusuf Gacayte iyo shaqaalaha dhexe ee Wasaaradda ayaa howshoodii caadiga ah ka sii waday maalintii 4aad ee kormeerka.
 
Maamulayaasha Dugsiyada iyo Macalimiinta ayaa diyaarinaya liisaska Xaadiriska fasalada iyo tirade u fadhida fasal walba.
 
Kormeerkaan oo ka kooban labo qeybood oo hogaaminya agaasiamah Waaxda Tayenta iyo kormeerka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare C\qaadir Yuusuf Nuux ayaa ka socda Magalada Qardho , si waaxda tayadhowrka waxbarashadu u ogaato halka ay waxbarasharadu marayso degmada Qardho.
 
Ujeedadda Kormeerkan ayaa ah si looga hortago shahaadooyinka iyo bedelada been-abuurka ah ee ku soo badanaya magalooyinka Waa wayn dugsiyadooda, gaar ahaan dugsiyada sare iyo kuwa dhaxe oo majo-xaabin iyo burbur ku ah tayada waxbarashada Puntland.
 
waxay ka shaqaynayan dhammaan Masuuliyiintan Waxbarashada Gobollada iyo Degmooyinka ,Kormeeraha Guud iyo Kormeerayaasha Gobollada , Agaasimaha Waaxda Waxbarashada Tooska ah,Madaxa Qeybyada Wasaaradda inay qaadaan tallaabooyin wadajir ah oo lagu xaqiijinayo habsami u socodka waxbarashada dugsiyada isla markaana looga hortagayo wax kasta oo hagardaamo ku ah waxbarashada.
 
Ujeedaddooyinka kale ee guud kormeerkaan ayaa lagu sheegay inuu yahay in kor loo qaado tayada qofeed ee ardayga iyo ujeedooyin kale oo ay kamid yihiin, Baarista ardayga booda iyo cadaynta sugnaanta bedelada, Hagaajinta maamulka dugsiyada,Cashar eegista fasalka iyo qodobo kale.
 
Tallaaboooyinkaas waxaa ka mid ah:
 
In mas’uuliyiiinta kor ku xusani ay sameeyaan kormeer buuxa oo ay ugu kuurgalayaan cidda ka danbeysa sameynta bedellada iyo shahaadooyinka been-abuurka ah iyo dugsiyada dhiirigalinaya falalkaas xun.
 
 
Ciddii lagu helo iyada oo falkaas ka shaqeynaysa ama dhiiri galinaysa waxaa laga qaadi doonaa tallaabada ku haboon oo heer wasaaradeed ah.
 
 
Ardaygii aan silsiladda ama jaraanjarada Waxbarashada aan raacin ama soo booday ma fariisan doono imtixaaanka shahaadiga ah.
 
 
Goobta in wax lagu barto loo furanaayo oo aan laga fakirin haboonaantooda xag caafimaad iyo xag waxbarsho toona.
 
 
Dadajin iyo bootin laga gadaayo ubadka iyo waalidka aan waxbarshada fahamsanayn.
 
 
Macallimiin jaban oo tayadoodu liidato oo laga soo waarido meelo ka baxsan waddanka,si dhaqaale loo abuurto.
Hoos Ka Daawo Sawiradda
 
By: Deeq Hurevov Madaxa isku xirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare
Scroll to Top