kuliyadda Tababarka Macalimiinta GTEC waxaa ka qalan jabiyey macalimiin tiradoodu gaarayso 81.

12/19/2018- Munasabad qalin jabin ah oo si weyn loosoo agaasimay ayaa lagu qabtay beerta Hido-raac ee duleedka galbeed ee Magaaladda garoowe,iyadoo ay 81 Macalin ka qalin jabiyeen Jamacadda Tababarka Macalimiinta Dowladda Puntland ee GTEC Garowe.

Waxaa kaqaybgalay Maamulka iyo Barayaasha GTEC,Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta sare ,Arday,Waalidiin iyo marti sharaf kale,waxaana ardaydaani fursad u heleen deeq waxbarasho oo ay iska kaashadeen Jamacadda iyo Wasaarasdda

Cabdiraxmaan Sheikhdoon Cali maamulaha jaamacada ee kuliyada tababarka Macalimiinta ayaa sharaxay marxaladihii ay soo martay Jamacadda Tababarka Macalimiinta ee GTEC sheegay inay jamacadu furnayd 13 sano iyadoo ay soo saartay barayaal kala duwan.

Maamulka Jamacadu waxaa uu sheegay in shantii sano ee lasoo dhaafay ay jamacadu tababartay 2700 oo macalin,iyadoo ay jiraan barayaal dhawaan ka qalin jabindoona jamacada oo ka yimi Galgaduud iyo deegaanada Galmudug.

Cabdiraxmaan Sheikhdoon waxaa uu xusay in jamacadu tababarada ay bixisaa yihiin sadexdaan marxaladood.

Macalinku inta aanu bilabin shaqada Macalinimo ee uu dusgiga sare kazoo qalin jabiyey.
Macalinka shaqaynaya in la tababaro si loogu sameeyo dibu-xasuunin,madaama tacliinta wax cusubi kusoo biiraan mar walba.

Macalinka oo xiisada ku guda jira in la tababaro oo uu casharada ku tabakho.

C/rixmaan Sheikdoon waxaa uu sheegay in Labada sano ee soo socota ay Jamacadu qorshaysay inla tababaro 3000 oo macalin oo isugu 300 oo Mamule,700 dugsiyada hoose/dhexebarayaal ka noqoya iyo 600 ah ardayda cusub ee kazoo qalin jabinaya dugsiyadasare.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda & Tacliinta sare Abshir Yusuf Ciise oo kaqaybgalay qalin jabinta ayaa u hanbalyey Maamulka,Barayaasha,Ardayda iyo Waalidiinta sida ay ugu soo dhabar adaygeen barashada tacliinta Macalinimo.

Wasiirku waxaa uu hoga tusaleeyey ahmiyadda iyo wanaaga uu macalinku u leeyahay ummada,iyadoo baraha lagu sifeeyo shamac gubanaya oo dadkuna ku raaxaysanayaan.

Wasiirka waxbarashadu waxaa uu Macalimiinta qalin jabisay ku booriyey in ay bulshada uga faaiideeyaan cilmiga ay GTEC ka barteen,waxaana uu balanqaday in ay wasaaradda ahaan la garab taganyihiin gacansiin iyo caawin rasmi ah si loo helo macalimiin tayo leh.

Jamacadda Tababarka Macalimiinta GTEC ee Magaaladda Garowe xarunteeda weyn ku taal ayaa waxaa kasoo baxay barayaal kala duwan,kuwasoo kashaqo galay dugsiyadda sare,hoose/dhexe iyo sare ee Puntland iyo deegaanadda dariska ee Soomaaliyeed.

17 1 2 3 4 5 6 7 9 10 11 12 13 14 15 16

 

 

By: Deeq Hurevov Madaxa isku xirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare.

Scroll to Top