Imtixaanadii Dugsiyada Sare Ee Form Four Iyo 8 Ka Oo Maanta Soo Xirmay

Deegaanada Puntland waxaa maanta soo xirmay imtixaanaadka Fasalada 8-aad ee dugsiga dhexe iyo Fasalka 4-aad ee dugsiga sare ee sanad dugsiyeedka 2011-2012.

Dhamaan deegaanada Puntland ayaa maanta si isku mid ah usoo wada xirmay,Imtixaanaadkan, waxaana guud ahaan u fariistay arday dhan 6868.

Magaalooyinka Puntland Fasalka Sideedaad ee dugsiga dhexe waxaa imtixaanka u fariistay 5,211 arday halka Fasalka 4-aad ee dugsiga sare ay Imtixaankan u fariisteen 1,657.

Imtixaanadani waxay ka dhaceen sida ay Masuuliyiinta Wasaarada Waxbarashada Puntland warbaahinta u xaqiijiyeen 61 xarumood oo 46 ay dugsiyada H/dhexe tahay, 15 xarumoodna ay ka dhacayaan Imtixaanaadka Dugsiyada Sare ee Puntland.

Imtixaanka Fasaladan oo sanadihii hore qaarkood lagu soo diyaarin jiray Magaalada Nairobi ayaa sanadkan gabi ahaantiis lagu diyaarshay gudaha Puntland sidoo kalana lagu sixi doonaa, waxaana uu socday mudo todobaad ah.

 

 

Amaal Abdulahi Ali

Ministry Of Education

Media Unit

 

Scroll to Top