Haweenka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo Tababar ku saabasn Kobcinta Aqoonta u aqabaty Haweenka Waxbarashada.

25/jun/ 2016- Waxaa maanta oo Sabti ah hoolka shirarka Wasaaradda ka furmay tababar socon doono mudo  3shan cisho ah oo salka ku hayo sidii kor loogu qaadi lahaa heerka waxbarashadda haweenka Puntland.

Furitaanka tababarkan waxaa kasoo qayb galay wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare, Agaasimaha guud Wasaaradda Waxbarashada Maxamed Abdulqaadir ayaa aad ugu Farxay shirkaan oo markii ugu horaysay ah shir noocaan oo kale ee Waxbarashada haweenka Wasaaradda Ka qayb gala barasho fiicana u ahayd.

Masuuliyiin ka socday Hay’adda Mercy Corps  oo kaalin weyn ku leh qabsoomida tababarka.

Maxamed Xirsi  oo ah madaxa Mercy Corps  Puntland kana shaqaysa arrimaha waxbarashadda ayaa sheegay tababarkan inuu yahay mid ahmiyad gaar ah u leh wasaradda, maadama  Gudoomiyeyaasha Waxabarashada Gobolada iyo shaqaalahooda  ee gobaladda ay kasoo qayb galeen isla markasna mudada uu socdo tababarkan xooga lagu saari doono sidii xooga loo saari lahaa kor u qaadista waxbarashadda haweenka  iyo kobcintoda  aqaoontoodda oo la wada rumaysan yahay inay ku hooseeyaan goobaha tacliinta sare.

Wasiirka Wasaradda Waxbarashadda iyo Taclinta Sare ee DowladaPuntland oo furay tababarka ayaa ka hadlay dadaalka ay wasaaradiisu ugu jirto sidii kor loogu qaadi lahaa waxbarashadda haweenka, wuxuna sheegay inay muhiim tahay dadka kasoo qayb galay tababarka inay si wanaagsan u fahmaan daruusta ay qaadanayaan isla markasna aqoonta ay dib ugula laabtaan meelihii ay ka yimaadeen.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Abshir yuusuf Awciise  oo sii hadlayay ayaa sheegay inay ka go’an tahay Haweenku inay ka muuqdaan tacliinta sare ee dalka isla markasna ay xanuun ku hayso inay goobahaasi ku yar yihiin, wuxuna tilmaamay inay muhiim tahay in la ogaado asbaabta ay waxbarashadda haweenku uga haraan.

Wasiirka Wasaarada Waxabarashada iyo Tacliinta sare ayaa asbuucii dhawayd Tababar u furay Macalimiin Dumar ah oo kala yimi Goboladda puntland kuna xaraysan Kuliyada Tababarka Macaliminta ee GTEC. iyadoo loola danaleyahay ina ka dhex muuqdaan dumarku Waxabarashada Puntalnd.

Wasaarada Waxbarashada ayaa hadaf keedu yahay Sanada soosocda in kor loo qaado Waxabarashada haweenka dibna loo eego Waxyalihii u ay horay u qabateen.

Xaliimo Cabdi jaamac  oo qaybta haweenka ee Wasaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta sare ka socotay ayaa sheegay inay xooga saarayaan sidii haweenka ugu badnaan lahaayeen tacliinta sare iyo goobaha muhiimka ah ee dalka Aqoontoodana kor loogu qaadayo.

Mudada uu socdo tababarka ayaa lagu wadaa inay kasoo baxaan go’aamo la isku raacsan yahay iyo in loo wada hogaan samo in haweenka door muhiim ah ku yeeshaan Tacliinta sare ee Puntland

Tababarkaan ayaa Waxaa dhamaan ka qayb qadanaya gudoomiyeyaasha Waxbarashada puntland iyo Haweenkooda waxbarashada Gobolada iyo Degmooyinka.

waxyalaha lagu Tababarayo Waxaa  ka mid ahaa.

1- hogaaminta.

2- war bixinada sidii loo kala qaadan lahaa.

3- kobcinta Waxabarashada Gabdhaha.

4-Hagaajinta iyo is dhex galka Bulashada.

5- iyo u qareemida Waxbarashada Gabdhaha.

Hoos Ka daawo Sawiradda.

IMG_3130 IMG_3127 IMG_3126 IMG_3125 IMG_3117 IMG_3113 IMG_3110 IMG_3115 IMG_3109 IMG_3106 IMG_3105 IMG_3104 IMG_3113

 

IMG_3129 IMG_3128 IMG_3126 IMG_3106 IMG_3117IMG_3121 IMG_3123

By:Deeq Maxamed Warsame.

Xooghaynta Wasaaradda Waxbrashada iyo Tacliinta Sare.

Scroll to Top