Dugsiga sare ee Gambool ee Degmada Garowe.

Dugsiga sare ee Gambool ee degmada Garowe ee gobolka Nugaal ayaan xaaladdiisu saakay degganayd, kadib markii shalay mudaharaad culus oo rabshado wata ay sameeyeen ardayda wax kabarata dugsiga sare Gambool.
Saaka ayaa ardayda waxaa u tagay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Guddoonka Waxbarashada gobolka Nugaal, Guddiga Waaariddiinta Iskuulka, Guddoomiya-ku-xigeenka gobolka Nugaal, qayb ka mid ah taliyeyaasha amniga gobolka, odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka gobolka Nugaal. Masuuliyiinta ayaa waxay ku baaqayan joojinta fowdada dugsiga, iyadoo baaqoodu uu daba socdo dadaallo lagu doonayo in xiisadda lagu qaboojiyo.
Hadaba, kulanka ardayda iskuulka lala qaatay ayaa masuuliyiinta iyo waaliddiinta iyo waxgaradka magaalada Garowe waxay sheegeen inay ardaydu shalay khalad ay sameeyeen, balse si kale cabashada ay u soo gudbistaan.
Xaaladda Gambool ayaa aad u degganayd, xiisadahana ardaydu si toos ah u qaadanayeen.
Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarasshada iyo Tacliinta Sare, Bashiir Jaamac Maxamed, ayaa ugu danbeyn ardayda Gambool ugu baaqay in aysan mar danbe sameynn fowdo iyo buuq, ardaygii fowdo lagu helona in la ciqaabayo, iskuullada Puntland-na uusan beddel ku helayn.
“Dugsiyada iyo aragtilleyda ka soo jeedda bulsho-weynta Puntland ee rumaysan in aynnu wadaagno masuuliyadda lagu caawinayo in dhallinyaradu guulaystaan, haddii ay tahay guriga, dugsiga iyo nolosha, waxay ka bilaabataa in ardayda dhanka waxbarashada laga diyaariyo oo ay dadkeenna ku baarbaaraan, iyaga oo ah dad waawayn oo bulshada waxtar u leh, taas oo horseedda in bulshadu noqoto mid wanaagsan” ayuu yiri Wasiir-ku-xigeenka Waxbarashada, ahna ku simaha Wasiirka Waxbarashada.
107

1 - Copy - Copy

1 - Copy (2)

2 - Copy - Copy

2 - Copy (2)

4 - Copy

4

6 - Copy

7 - Copy

7

10 - Copy

11

12

13

14 - Copy

14

15

16

18

19

20

21

73

74

75

76

77

78

79

80

81

82

83

84

85

86

87

88

89

90

91

92

93

94

95

96

97

98

100

101

102

103

104

106

Scroll to Top