DOOD CILMIYEED KU SAABSAN HORUMARINTA WAXBARASHADA HAWEENKA IYO SIDAY U HELI LAHAAYEEN FURSADO DHAN KASTAAY AH OO LAGU QABTAY WASAARADDA WAXBARASHADA PUNTLAND

Garoowe;  Dood cilmiyeedkaan oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda Tadaamun, ayna la waday wasaaradda waxbarashada Puntland ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiinta Wasaaradda waxbarashada u qaabilsan Dhinaca Genderka oo ay hoggaanimayso Marwo Faadumo Cabdi Xirsi (Faadumo-shukri), Madaxa Hay’adda Tadaamun Cabdiraxmaan Cabdirisaaq Cabdiraxmaan iyo Maxamed Cabdulqaadir Faarax (Shiino), haween u badan Macallimiin iyo shaqaalayaasha ka shaqeeya Wasaaradaha iyo Hay’adaha ka hawlgala degaamada Puntland.

Kulankaan ayaa waxaa ugu horreyn ka warbixiyay Madaxa Tadamun u qaabilsan Puntland Cabdiraxmaan Cabidrisaaq Cabdiraxmaan oo  ka hadlay kaalinta waxbarasho oo ay Hay’addu bixiso gaar ahaan midda ay u fidiso Dumarka isagoo sheegay inay hay’adda Tadaamun ka bixiso lacag Arday dumar ah oo wax ka barata Waxbarashada dadban (NFE) iyo Dhisme Iskuul wax lagu barayo haweenka oo ay ka fuliyeen magaalada Baran.  waxaa sidoo kale halkaasi ka sheegay ujeedooyinka kulankaan Maxamed Cabdulqaadir Faarax oo ah Wakiilka Hay’adda Tadaamun ee Gobolka Nugaal kaasoo tilmaamay  in maanta ay ku lafa gurayaan sadex qodob oo ay tahay in wax la iska weydiiyo lagana xog waramo sidii wax looga qaban lahaa.

  1. Xoojinta waxbarashada Dumarka yar-yar iyo waaweynba.
  2. Sidii loo yarayn lahaa waxbarasho la’aanta dumarka iyo.
  3. Qaabka ugu wanaagsan ee dumarku uga qayb geli karaan fursadaha dhan kasta.

Marwo Faaduma Cabdi Xirsi oo ah madaxa Qaybta Genderka ee Wasaaradda Waxbarashada ayaa iyaduna uga mahadcelisay Hay’adda Tadaamun kaalinta ay kaga jiraan waxbarashada gaar ahaan Haweenka iyo doorka ay ka qaateen kor u qaadidda waxbarashada dumarka, waxaana ay ku sii dhiiri galisay inay ka sii badiyaan, dhinaca kale ayay ka qaybgalayaasha doodaana ay u soo jeedisay in ay afkaarohooda ka geystaan si hufan ugana faa’iidaystaan fursadaan.

Doodaan oo ahayd mid dhinacyo badan taabanaysay haba u badnaatee dhanka waxbarashada iyo kor u qaadidda aqoonta dumarka ayaa hadana waxaa lagu lafagurayay sidii ay haweenku u heli lahaayeen Adeegyada Caafimaadka, ugana qayb qaadan lahaayeen kaalinta Siyaasadeed ee maamulka Puntland iyo kan Soomaaliyaba.

Waxaa sidoo kale aad looga hadlay in xilligaan la helo macaalimiin dumar ah oo kor u qaada waxbarasahda haweenka iyo garaadkooda siyaasadeed si ay haweenku u noqdaan kuwo ka dhex muuqda kaalimaha bulshada dhankay doonto ha noqotee.

Scroll to Top