Diiwaangelinta Guud ee Dugsiyada iyo Goobaha Waxbarashada ee Puntland

REF: WW&TS/AG009/2020 Date: February 2020

KU: Dhammaan Guddoomiyayaasha Waxbarashada Gobollada & Degmooyika
KU: Dhammaan Kormeerayaasha Gobollada
Og: Agaasimaha Waaxda Taya-Dhawrka ee WW &TS
Og: Agaasimayaasha Waaxyaha WW&TS
Og: Agaasimaha Guud WW&TS
Og: Wasiiru Dawlaha WW&TS
Og: Wasiir-ku-xigeenka WW &TS
Og: Wasiirka WW &TS
Ujeeddo: Diiwaangelinta Guud ee Dugsiyada iyo Goobaha Waxbarashada ee Puntland
Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare gaar ahaan waaxda tayodhawrka iyo kormeerka guud waxay ku wargalinaysaa dhammaan masuuliyiinta waxbarashada ee gobolada iyo degmooyinka in la bilaabi doono diiwaangelintii guud ee heer wasaaradeed, taasoo ah mid labadii sanoba mar la samayn doono si loo xaqiijiyo tayo ahaan iyo tiro ahaanba waxbarashada guud ee Puntland. Diiwaangelinta ka dib waxaa shahaado la gudoonsiin doonaa dugsiyada iyo xarumaha waxbarasho ee buuxiya shuruudaha loo asteeyay in laga helo goob walba oo waxbarasho u furan si loo xaqiijiyo mustaqbalka ubadka Puntland. Waxaa mar walba wasaaraddu ku dadaalaysaa horumarinta iyo koruqaadidda tayada waxbarahshada. Sidaas darteed Wasaaraddu waxay bilaabaysaa diiwaangelin rasmi ah oo heer wasaaradeed ah dhamaan dugsiyada iyo goobaha waxbarashada ee gobolada Puntland, Ujeedooyinka laga leeyahay diiwaangelinta waxaa ka mid ah;
• In la hubiyo tayada dugsiyada iyo inuu buuxiyey shuruudihii loo asteeyay
• Ururinta iyo kaydinta xogta dugsiyada iyo Xarumaha waxbarashada.
• Xoojinta xiriirka iyo wadashaqaynta ka dhexaysa goobaha waxbarashada iyo xafiisyada wasaaradda ee heer degmo, heer gobol iyo xarunta dhexe.
• Xoojinta xiriirka ka dhexeeya goobaha waxbarashada, bulshada qaybaheeda kala duwan iyo maamulka dawladaha hoose ee degmooyinka.
• Qorshaynta waxqabadka iyo kobcinta waxbarashada, si loo helo xog saxa oo xoojinaysaa maamul wanaag iyo waxbarasho tayaysan oo loo dhan yahay.
• Baahinta iyo dhaqangelinta siyaasadaha iyo nidaamka waxbarashada, ayna ka mid yihiin habqadhanka macalinka, siyaasadda taya-dhowrka, siyaasadda waxbarashada dadban, siyaasadda waxbarashada farsamada Gacanta,
nidaamka bedelka ardayga iyo nidaamka kal-tirsiga ardayga, hirgalinta wakhtiga furitaanka iyo xiritaanka dugsiyada iyo xarumaha waxbarashada, ilaalinta nidaamka imtixaanaadka heerarkiisa kala duwan. Sidaa awgeed, waxaa si gaara dhammaan maamulayaasha dugsiyada iyo xarumaha waxbarashada ee ka furan gobolada Puntland loogu wargalinayaa mar labaad inay ku soo buuxiyaan foomka is diiwaangelinta iyagoo ka qaadan doona xafiiska Gudoonka Waxbarashada gobolka, Diiwaangelintu waxay bilaabanaysaa kowda bisha labaad ama 03/02/2020 wxayna ku egtahay kowda bisha saddexaad ama 03/03/2020 insha allaah. Diiwaangalintu waxay waajib ku tahay dhammaan;
1. Dugsiyada Hoose/Dhexe
2. Dugsiyada Sare
3. Xarumaha waxbarashada dadban
4. Mac-hadyada tababarka farsamada gacanta
5. Xarumaha waxbarashada caruurta yaryar
6. Dugsiyada waxbarashada Quraanka iyo Dugsi Hoose ee isku lamaan ee loo yaqaan Daar Al-Quraan (Integrated Schools).
FG: Dugsiyada daarul quraanada iyo kuwa kujira guryo kiro ah aana lahayn dhisme dugsi oo waafaqsan jaangooynta dhismayaasha wasaarada waxaa loo asteeyay inay ku ekaadaan fasalka afraad ee Dugsiga hoose oo kaliya aanla furikarin dugsi cusub ama daaru Al-Quran cusub ilaa amar dambe.
Dugsiyada iyo Xarumaha buuxiyay shuruudaha isdiiwaangalinta soona buuxiya foomka waxay u soo gudbinayaan Guddoonka Waxbarashada Gobolka oo iyaguna soo gaarsiinaya Xafiiska Taya-Dhawrka iyo Kormeerka Guud ee wasaaradda waxbarashada iyoTacliinta Sare. Intaas ka dibna waxaa la bilaabi doona hawshii shahaada-bixinta dugsiyadii buuxiyay shuruudaha oo is diiwaangaliyey insha allaah.
Maamulidda Diiwaangalintu waxay mareysaa taxanaha soo socda:
a. Maamulka goobta waxbarasho
1. Codsiga diiwaangalinta goobta waxbarasho
2. Lahaanshaha Goobta
3. Nuqul shahaadada macalimiinta goobta wax ka dhigta
4. Khidmadda adeegga oo kala ah:
 Dugsi Sare _____________________________$100
 Farsamada ______________________________$100
 Macaahidda _____________________________$100
 Dugsi H/Dhexe __________________________$50
 Xadaano ________________________________$50
 Xarumaha Waxbarashada Dadban ___________$30

Guddoomiyaasha waxbarashada ee Degmooyinka ayaa soo aruurinaya codsiyada oo dhammeystiran iyo khidmadaha diiwaangalinta, wuxuu kaloo soo buuxinayana liiska hubinta kadibna waxay u soo gudbinayaan Gudoonka Waxbarashada Gobolka
Guddoomiyaasha waxbarashada ee gobolada waxay hubinayaan inay dhammaan sharuudihii diiwaangalintu dhammeystiran tahay, kadibna waxay u soo raacinayaan warqad ansaxin oo saxiix iyo shaabad leh iyaga oo u soo gudbinaya Waaxda Taya-Dhawrka iyo Kormeerka Guud oo hubin ka dib, loogu diyaarin doonno warqadda ruqsada ama shahaadada u ogolaaneysa inuu wadan karo adeegga waxbarasho ee ay goobtaasi u hayso bulshada. waxayna ruqsadu ku eg tahay labo sano. Goobaha waxbarashaduna waxaa loo kala qeybin doonaa:
A. Goobo halbeegoodu gaaray heerkii asaasiga ee loo baahnaa, lana siin doono shahaadada (A) oo laba sano haddii uu isla (A) helo la qiimeyn doono shanti I sanoba mar.
B. Goobo halbeegoodu wax ka dhiman yahay laakiin dadaalaaya oo shahaada (B) la siin doono, balse loo qaban doono waqti labo sano ah; haddii Laba sano ka dib uu gaaro halbeeggii loo baahnaa waxaa la siindoona (A); haddii uusan gaarinna, waxaa laga qaadi doonaa ruqsadda.
C. Iyo Goobo aan buuxin shuruudihii asaasiga ahaa ee looga baahnaa islamarkaana aan loo ogolaan doonin ruqsada ama diiwaangalinta dugsiyada iyo goobaha waxbarashada ee Puntland.

Wixii faah faahin ah fadlan kala xiriir Taleefonada kala ah:|
Mobile: 0907794564 / 0907796664/0907754389
Ama Website-ka www.moepuntland.com

Wada shaqeyn wacan

Mudane Maxamed Cali faarax
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare
____________________________

[embeddoc url=”http://www.moepuntland.com/moe/wp-content/uploads/2020/02/Diiwaangelinta Guud ee Dugsiyada iyo Goobaha Waxbarashada ee Puntland.pdf” download=”all”]

Scroll to Top