Dhamaan Gobolada Puntland waxaa ka soo afjarmay imtixaankii Naqliga ahaa 2016-17.

14/ Janaury/ 2017 – Gudoomeyeyaasha Waxbarsahada Goboladda, degmooyinka iyo maamulayaasha dugsiyada waxay si buuxda ayey fuliyeen , iyagoo Tixgalinaya warqaddii ka soo baxaday Xafiiska Waaxda Tayo-dhowrka iyo Kormeerka ee Wasaaradda Waxbarashda iyo Tacliinta Sare ee faraysay, xadidaysana xilliyada imtixaanaadka naqliga iyo shahaadiga Marka Laga reebo degmada Galkacayo.

Waxaana guud ahaan Gobolada Puntland ka soo xirmay imitixamadkii naqliga ee sanad- dugsiyeedka ee termka hore 2016-17, haddana waxaa la sugayaa in bisha 5aad ay ardayda fasalada 8aad iyo 12aad u fariistaaan imtixaanka shahaadiga ah.

Agaasimaha Waaxyada Tayodhowrka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare C/Qaadir yuusuf Nuux ayaa fariin cad u diray gudoomiyeyaasha Waxbarashada si looga hortago tafararuqa , midaynta Waqtiga Fasaxna looga faa’iideysto waxii howlo ah ee taagan sida Tabarada, qorshe dajinta dugsiyada, saxidda iyo soo gudbinta imtixaanada iwm.

Agaasimaha waaxda Tayeynta iyo Tayo-dhowrka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare musuuliyinta Gobolada iyo kuwa Degmooyinka Waxbarashada waxaa uu yiri “inay fuliyaan midaynta Waqtiga imtixaamaka naqliga iyagoo raacaya nidaamka Wasaaradda Waxabarashada iyo Tacliinta sare.”

Sidoo kale waxaa gudoomiyeyaasha laga rabaa in dugsi walba u soo buuxiyo Foomka tirokoobka Ardayda iyo dhammaan natiijoyinka imtixaanaadka ee ardayda sanadkan, marka laga reebo Fasalada 8-aad iyo 12-aad.

Agaasimaha Waaxadda Waxbarashada Tooska Maxamed Ismaaciil finiin iyo Madaxa Manahijta Ciise Maxamed Ciise ayaa dhamaan ku tagtay kormeer imtixaankii termaka hore iyagoo qiimaynaya imtixaanka Tayadiisa iyo Macalimiinta iyo Ardayda ku jirta Imtixaanka.

Iyagoo iskuuladu tixgalinaya Warqadii ka soo baxday Xafiiska kormeerka guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare.

Hoos ka Daawo Sawiradda 

DSC01121 DSC01208 DSC01159 DSC01153 DSC01189 DSC01166 DSC01135 DSC01113 DSC01198 DSC01208 DSC01205 DSC01204 DSC01198
DSC01204 DSC01202 DSC01192 DSC01190 - Copy DSC01189 - Copy DSC01174 - Copy DSC01162 - Copy DSC01156 - Copy DSC01145 - Copy DSC01140 - Copy DSC01139 - Copy DSC01136 DSC01137 DSC01130 - Copy DSC01145 DSC01121 DSC01129 DSC01166 DSC01153 DSC01113 DSC01110 DSC01148

By:Deeq Maxamed Warsame.

Xooghaynta Wasaaradda Waxbrashada iyo Tacliinta Sare

Scroll to Top