Barnaamijkii codka Hal-Abuurka Soomaalida ee ka socday Sweden oo Xalay La soo Gabagabeeyay

Waxaa habeenkii xalay ahaa lagu soo afmeeray magaalada Gothenburg Barnaamijkii bandhigga buugaagta ee sanadkan. oo sanadkii mar  lagu qabto magaalada Gothenburg ee dalka Sweden. Waxaa halkaas lagu soo bandhigey ciyaaro hido iyo dhaqan ahaa oo ey hormuud ka ahaayeen, ururka Hidaha iyo Dhaqanka Maalmo, waxana halkaasi ey ku soo bandhigeen ciyaaro, ay soo bandhigeen dhalinyaro aad u dayar, waxaa isna goobta ka hadley Abwaan Ibaarhim Hawd, oo isagu ka hadley suugaanta Soomaalida iyo qiimaheeda waxana uu xusey in xiligan loo baahan yahay in loo gurmado Afka Soomaaliga, oo isagu ku jira khatar, waxaa isna goobta ka hadley Qoraaga caanka ah, Maxamed Baashe, waxana uu soo bandhigey buugaagta uu qorey  iyo sida ey muhim u tahay in la nooleeyo suugaanta Soomaalida, waxaa sidoo kale goobta isna ka hadley, Wakiilka Hayada Daryeelka Puntland, Sakariye Isticmaar, oo ka hadley dowrkii dhalinyarada Soomaaliyeed ey ku lahaayeen bulshada Soomaaliyeed iyo sida ey maanta ka yihiin bulshada dhexdeeda, waxana Sakariye uu xusey iney muhim tahay in dhalinyaradu ey ka qeyb-qaataan horomarka dalka iyo dibu,dhiskaba, Abwaan Prof Said Salax ayaa isna hadallo qiima leh goobta ka jeediyay waxana uu Abwaanku  dareen iyo Qiiro gashey dadweynihii dhageysanayay, Abwaanka ayaa sharaxaad dheer ka baxshey heerarkii uu soo marey afka Soomaaliga iyo maanta heerka uu marayo, waxana uu Abwaanku wal-wal ka muujiyay Afka Soomaaliga sida uu maanta ugu jiro khatar, sidoo kale waxaa isna goobta khudbad qiima badan kasoo jeedshey,Wasiirka Waxbarashada Puntland, mudane Abdi Faarax Juxa oo ka hadley Waxbarashada Puntland iyo Heerarka ey soo gaarsiiyeen,Mudane Juxa ayaa ayaa hoosta ka xariiqey in Wasaarada Waxbarashada Puntland ey soo gaartey meel fiican loona baahan yahay in laga qeyb-qaato sidii loo caawin lahaa, isagoo ka codsadey iney ka qeyb-qaataan dadka reer Puntland ee Qurbajoogta sidii ey uuga muuqan lahaayeen bulshada Puntland ee dalka ku nool. waxaa iyana goobta ka hadley Warsan Osman Salax, Zeynab Daahir ,iyo labada Abwaan ee reer Gothenburg Abwaan Hurfe iyo Caasha Cuud oo iyagu mar kasta dareenkooda ku cabira soogaanta soomaaliyeed.

Amaal Abdulahi Ali

Ministry Of Education

Media Unit

Scroll to Top