Agaasime Mohamed Abduwahaab Oo Maanta Xilkiisii La Wareegay

Munaasabad wayn  ay xilalka kula kala wareegayeen Agaasimaha cusub ee dhowaan loo soo magacaabay wasaarada waxbarashada ee Puntland iyo Kusimihii hore Ee Agaasimaha Guud  ayaa maanta ka dhacday xarunta wasaarada waxbarashada Puntland ee Garoowe.

Xafladan  oo ay kasoo qayb galeen dhamaan Shaqaalaha Iyo Madaxda  wasaarada waxbarashada oo uu kamid ahaa wasiir Juxaa, ku-xigeenkiisa Mr Idirs, iyo dhamaan agaasimeyaasha waaxyaha wasaarada ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay sii hayaha xilka Agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada Puntland Cabdiqaadir Nuux.

Wuxuuna sheegay inuu ku faraxsan yahay in xilkii uu madada soo hayey loo magacaabo mas’uul cusub, Mudane Cabdiqaadir ayaa xusay inuu soo dhoweynayo magacaabida Agaasimahha cusub isagoo intaas raaciyey in si aad ah uu ula shaqeyn doono, wixii uu awoodana uu ku caawin doono si uu howshiisa si wanaagsan ugu guto.

Agaasimaha cusub ee wasaarada waxbarashada Puntland oo intaas kadib hadalka qaatay ayaa u mahad celiyey dhamaan shaqalaaha wasaarada waxbarashada, wuxuuna ka codsaday inay si wanaagsan ula shaqeeyaan isagoo xusay in hadii aanu taageeradooda helin aysan marnaba u suurta geli doonin in howsha loo xil saaray uu si wanaagsan u guto.

 

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Puntland Cabdi Faarax Saciid (Juxa) ayaa soo dhaweeyay Agaasimaha Cusub, waxaana uu sheegay in uu yahay nin nasiib badan oo ku soo beegmay xili Wasaaraddu ay aad u wacan tahay dhan kasta.

Xil la wareegida Agaasimaha cusub ayuu tilmaamay in ay fursad u tahay xiriirka hay’adaha Caalamiga ah oo Wasaaraddu ay ku tiirsan tahay maadaama Aagaasimaha Cusub uu yahay nin muddo dheer la soo shaqeeyay hay’adaha Xiriirka la leh Waxbarashadda.

Kusimihii Agaasimihii hore ayuu aad ugu mahadnaqay waxaana uu ku tilmaamay in uu ka mid yahay Odayaasha Wasaaradda Waxbarashada, isaga oo tilmaamay xiligii ay dadka yaraayeen uu wax badan qabtay.

 

Amaal Abdulahi Ali

Media Unit

Ministry Of Education

Scroll to Top