Agaasimayaasha Cusub ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo xilalkoodii la kala wareegay

Wasiirka Wasaarada Waxabarsahada iyo Tacliinta sare ee Dawladda Puntland Dr Cali xaaji Warsame ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 17-1-2015 magaalada Garoowe ee caasimada Puntland gaar ahaa xurunta Wasaarada Waxbarsahada iyo Tacliinta goob joog ka ahaa  Munasabadii xilka loogu wareejinayey Agaasimayaasha Waaxyada cusub ee Wasaarada Waxbarshada iyo Tacliinta sare oo kala ah Agaasimaha Waaxda Mashaariicda  Tababarka Maclimiinta iyo farsamada gacanta, Agaasimaha Waaxda qorshaynta iyo siyaasada waxbarashada iyo Taclinta sare.

Munaasibada ayaa waxaa sidookale ka soo qeyb galay Wasiir  ku – xigeenka  Wasaarada Waxabarshada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland Dr Maxamed Cali Faarax ,  iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxabarshada iyo Taclinta sare Axmed Cabdi Cali shire (Axmed keyse) Dhamaan Shaqaalaha Wasaarada Waxabarshada iyo Tacliinta sare.

Wasiirka waxbarashada Dawladda Puntland Dr. Cali xaaji Warasame  oo hadal ka jeediyey madasha xilwareejintu  ka socotay ayaa u hambalyeey waaxayaha  cusub  ee Wasaarada Waxbarshada iyo Tacliinta sare ee Dowlada  Puntland, isagoona ku booriyey in ay dadaal dheer u galaan sidii loo hormarin lahaa guud ahaan Waxbarsahada puntland.

Agaasimayashan cusub ayaa horey loo xayeysiiyey oo Tartan furan loogalay iyadoo booska baneyey Agaasimaha guud ee dhawaan loo magacabay wasaarada arimaha gudaha Maxamed Cali faarax (farmayeeri) hadana uu badalay Cabdi Naasir Xirsi Jaamac oo aha agaasimaha cusub ah oo Imtixaam booska ku yimi.

Haweenayda Agaasime Waaxeedka cusub ayaa ah Haweenaydii Labaad oo agaasmi Waaxeed ka noqota Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare.

Wasaarada ayaa u hanbalayeysay Asmaa DrCabdulqaadir Maxamed  iyadoo 16 sano ka hor Agaasme Waxeed ugu danabaysay Qof Haween ah oo dowladu soo magacaowdo. Asmaa ayaa ku timi qorshe imtixaam oo Dowladu horey u dajisay.

Wasaarada Waxbarashada ayaa hadaf keedu yahay Sanada soosocda in kor loo qaado Waxana laga qabato Tacliinta sare Waxabarashada , iyo haweenka Waxbarshadooda iyo sidii ay uga mid noqon lahayeen Maclimiinta iyo sidii ay oga dhex mooqan la hayeen siyaasada Waxbarashada Dowlada Puntland.

Wasiirka Wasaarada Waxabarshada iyo Tacliinta sare Dr Cali Xaaji Warasame ayaa kula dar darmay shaqada ay  bulshada u hayaan Agaasimayashan cusub waa mid laf dhabar u ah bahda Waxbarashada cadaaladna Wax ugu Qaybiyaan Gobolda iyo Degmooyinka Waxabarshadu ka socoto Markastana ina xil la raadin balse ka Wanaagsan tahay shaqada bulshada loo hayo.

Wasiirka ayaa amaanay Shaqaalihiisa oo yiri shaqaalaha aan haysto Waa shaqaalahaa ugu tayada fiican shaqaalaha  puntland.

Hoos Ka Daawo Sawirada.

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA WAXBARASHADA
IYO TACLIINTA SARE DOWLADDA PUNTLAND

 Deeq Maxamed Warsame ‘’ Hurevov’’ Garowe, Puntland Somalia.

Scroll to Top