Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo xilkii kala Wareegay agasimihii Hore ee Wasaaradda Waxbarashadda.

11/April/2016- Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada dowladda Puntlan Maxamed Cabdiqaadir ayaa maanta si rasmi xilkiisi ugala wareegay agaasimihi hore ee wasaaradda waxbarashada Axmed Cali Shirre. halka isagana uu ku wareejiyay xilkiisii agaasimaha agaasimaha xanaaanada xoolaha.

Xaflad xil wareejin ah oo ka dhacay xarunta waxbarashada ayaa waxaa kasoo qeyb galay wasiirka waxbarashada, ku xigeenkiisa, wasiirka xanaanada xoolaha iyo dhammaan howlwadeenada labada wasaaraddood maadaama labada agaasime xilalkooda loo kala wareejinayay.

ugu horayn Waxaa afka shaqalaha ku  hadlay Agaasimaha Waaxda Tayenya Waxbarashada c/qaadir Yuusuf Nuux.

Waxaa uu ka hadlay warbixino miisaan leh Shaqaalaha Wasaaradda ka war bixiyey  isagoo ka codsaday sidii ay ula shaqeeyeen iyo si ka fiican inay u gacan siiyaan agaasimaha cusub ee ay Wasaaraddu yeelatay, waxaa kale oo uu ka codsaday Hay’adaha ka shaqeeya waxbarshada inay soo dhoweeyaan lana shaqeeyaan nidaamka cusub.

Mudane C/qaadir yuusuf Nuux ugu dambayntii Ilaah uga mahad celiyay hawlihii uu u fududeeyey mudadii uu xilka hayey Agaasimaha Guud,Wasaaradda Waxabarashada ayaa leh  Shaqaalle Aqoon iyo khibrad waxbarasho ku ammaanay ina yihiin kuwo waxqabad leh, oo jecel horumarka iyo waxqabadka Dalka.

Agaasimihii hore ee wasaaradda waxbarashada Axmed Cali Shirre ayaa sheegay inuu meel wanaagsan gaarsiiyay shaqada xafiiskiisa agaasimaha guud, wuxuuna intaas ku daray inuu waayo aragnimo badan ka qaatay intii uu la shaqeynayay wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare.

Agaasimaha cusub ee wasaaradda waxbarashada Maxamed Cabdiqaadir ayaa isna sheegay inuu ku faraxsan yahay shaqadaan cusub, isagoo u mahad celiyay shaqada uu qabtay agaasimihii hore, wuxuuna balanqaaday inuu si wanaagsan howshiisa ugasoo bixidoono haddii lagu garab lagusii howshiisa.

Maxamed Cabdiqaadir wuxuu sheegay inuu si qadarin iyo xushmad leh ula shaqeyndoona qofka ugu sareeya iyo qofka ugu hooseeeya wasaaradda waxbarashada.

Wasiirka Wasaaradda waxbarashada  iyo Tacliinta sare Prof. Abshir Yuusuf Ciise iyo Wasiir ku xigeenka  Wasaaradda Waxbarashada  iyo Tacliinta sare Dr. Maxamed Cali Faarax ayaa xaflada ka jeediyay hadalo isugu jira mahad celin agaasimihii hore iyo soo dhowaynta agaasimaha cusub, waxayna ugu dambayn shahaado sharaf gudoonsiiyeen agaasimihii hore ee wasaaradda waxbarashada oo lagu ammaanay shaqo wanaagiisii.

Hoos ka Daawo Sawiraddda.

IMG_0401 IMG_0402 IMG_0406 IMG_0410 IMG_0408 IMG_0450 IMG_0449 IMG_0443

IMG_0442 IMG_0414 IMG_0426 IMG_0421 IMG_0424 IMG_0425 IMG_0492 IMG_0491

IMG_0452 IMG_0489 IMG_0434 IMG_0436 IMG_0470 IMG_0471 IMG_0467 IMG_0420 IMG_0485

IMG_0463 IMG_0461IMG_0480

IMG_0479 IMG_0483 IMG_0481 IMG_0482 IMG_0483

IMG_0515 IMG_0514

IMG_0500 IMG_0505 IMG_0513

IMG_0521 IMG_0520 IMG_0519 IMG_0522

IMG_0524 IMG_0531IMG_0527 IMG_0529 IMG_0530 IMG_0531 IMG_0532 IMG_0533 IMG_0534

By:Deeq Maxamed Warsame.

Xooghaynta Wasaaradda Waxbrashada iyo Tacliinta Sare.

 

Scroll to Top