Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo xilkii kala Wareegay agasimihii Hore ee Wasaaradda Waxbarashadda.

27/January/ 2018- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada dowladda Puntlan Maxamed Cali Faarax ayaa maanta si rasmi xilkiisi ugala wareegay agaasimihi hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Maxamed C/Qaadir Cismaan .
halka isagana uu ku wareejiyay xilkiisii agaasima Guud ee Wasaaradda Cadaalada iyo Diinta iyo awqafta.
 
Xaflad xil wareejin ah oo ka dhacay xarunta Waxbarashada ayaa waxaa kasoo qeyb galay wasiirka waxbarashada,Wasiir ku xigeenka Waxbarshada iyo Wasiir Dowlaha Waxbarashada iyo wasiir ku xigeenka Wasaaradda Cadaalada Puntland iyo dhaamaan Shaqalaha Wasaarada Waxbarashada iyo Hay’addaha Tageera Waxbarashada.
 
ugu horayn Waxaa afka shaqalaha ku hadlay Agaasimaha Waaxda Qorshaynta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Asmaa C/qaadir Maxamed.
 
Waxay ka hadashay warbixino miisaan leh Shaqaalaha Wasaaradda ka war bixiyey isagoo ka codsaday sidii ay ula shaqeeyeen iyo si ka fiican inay u gacan siiyaan agaasimaha cusub ee ay Wasaaraddu yeelatay, waxaa kale oo uu ka codsaday Hay’adaha ka shaqeeya waxbarshada inay soo dhoweeyaan lana shaqeeyaan nidaamka cusub.
 
Wasiir Dowlaha ayaa aad ugu Mahad celiyay hawlihii uu u fududeeyey mudadii uu xilka hayey Agaasimaha Guud,Wasaaradda Waxabarashada ayaa leh Shaqaalle Aqoon iyo khibrad waxbarasho ku ammaanay ina yihiin kuwo waxqabad leh, oo jecel horumarka iyo waxqabadka Dalka.
Agaasimihii hore ee Wasaaradda waxbarashada Maxamed C/qaadir Cismaan ayaa sheegay inuu meel wanaagsan gaarsiiyay shaqada xafiiskiisa agaasimaha guud, wuxuuna intaas ku daray inuu waayo aragnimo badan ka qaatay intii uu la shaqeynayay Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare.
Waxaana ka dib u Mahad celiyey Madaxweynaha Dawladda Puntland Prof. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo igu aaminay xilkaan weyn kaas oo sadex wasaaradood oo ka mid ah Wasaaradaha mugga ku leh Puntland iiga dhigay Agaasime guud, sidoo kalana wada shaqayn aan hagar lahayn aan kala kulmay.
 
Waxaa kale oo aan halkaan uga mahad celinayaa Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Prof. Abshir Yuusuf Aw-Ciise sida hagar la’aanta ah oo uu iigala shaqeeyay iiguna garab istaagay habsami u socodka Waxbarashada, isagoo mar walba nagu garab siinayay talooyinkiisa, waayo aragnimadiisa iyo hal-abuurkiisa taasoo keentay inay maanta wasaaraddu higsanayso meel fiican hawlo waaweyna ugu fuleen, waxaa sidoo kale u mahad celinayaa Wasiiru dawlaha iyo Wasiir ku xigeenka mudadii aan wada shaqaynaynay.
 
 
Agaasimaha cusub ee wasaaradda waxbarashada Maxamed Cali Faarax Farmayeeri ayaa isna sheegay inuu ku faraxsan yahay shaqadaan cusub, isagoo u mahad celiyay shaqada uu qabtay agaasimihii hore, wuxuuna balanqaaday inuu si wanaagsan howshiisa ugasoo bixidoono haddii lagu garab lagusii howshiisa.
Maxamed Cali Faarax wuxuu sheegay inuu si qadarin iyo xushmad leh ula shaqeyndoona qofka ugu sareeya iyo qofka ugu hooseeeya Wasaaradda Waxbarashada.
 
 
Wasiirka Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare Prof. Abshir Yuusuf Ciise iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Dr. Maxamed Cali Faarax ayaa xaflada ka jeediyay hadalo isugu jira mahad celin agaasimihii hore iyo soo dhowaynta agaasimaha cusub, waxayna ugu dambayn shahaado sharaf gudoonsiiyeen agaasimihii hore ee wasaaradda waxbarashada oo lagu ammaanay shaqo wanaagiisii.
       Hoos ka Daawo Sawiradda.
IMG_5659 IMG_4057 IMG_4059 IMG_4060 IMG_4061 IMG_4062 IMG_4063 IMG_4066 IMG_4068 IMG_4069 IMG_4070 IMG_4071 IMG_4072 IMG_4074 IMG_4075 IMG_4076 IMG_4077 IMG_4082 IMG_4083 IMG_4084 IMG_4085 IMG_4090 IMG_4091 IMG_4092 IMG_4102 IMG_4103 IMG_4105 IMG_4107 IMG_4110 IMG_4112 IMG_4133 IMG_4135 IMG_4137 IMG_4139 IMG_4140 IMG_4141 IMG_4149 IMG_4163 IMG_4164 IMG_4165 IMG_4175 IMG_4176 IMG_4177 IMG_4202 IMG_4247 IMG_4286 IMG_4287 IMG_4292 IMG_5588 IMG_5589 IMG_5593 IMG_5595 IMG_5596 IMG_5603 IMG_5604 IMG_5610 IMG_5613 IMG_5614 IMG_5615 IMG_5616 IMG_5618 IMG_5625 IMG_5629 IMG_5630 IMG_5633 IMG_5634 IMG_5635 IMG_5637 IMG_5638 IMG_5644 IMG_5646 IMG_5648 IMG_5652 IMG_5653
IMG_5654
 By Deeq Hurevov: Madaxa isku xirka Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare
Scroll to Top