Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Waxbarashada Puntland Oo Ka Qaybgalay Shir Caalami Ah Oo Ka Dhacay Wadanka Ghana

Magaaladda Accra ee wadanka Ghana waxaa lagu qabtay shirwayne 25 ilaa 27 September 2012 kaas oo ay isugu yimaadeen in ka badan 25 wadan oo Africaan ah, kuwaas oo xubna ka ah urur waynaha lagu magacaabo Global Partnership for Education (GPE) oo ay ku bahoobayn in ka badan 54 wadan oo ka kala yimid Africa, Europe, Asia iyo America.  Ururkaan oo Somalia ay dhawaan ku biirtay ayaa waxaa loo aas aasay in kor loo qaado waxbarashadda wadamada soo koraya.

Hadaba shirkaan lagu qabtay Accra waxaa isugu yimid 25 wadan oo Africaan ah. waxaan looga hadlaayay arrimahaan hoos ku qoran:.

  1. In ay dhammaan ogadaan wadamada xubnaha ka ah urur waynahaan sidii ay u wada shaqayn lahaayeyn
  2. In wadamada Africa loo kala qaybiyo Afar kooxood, ayada oo lagu salaynayo deegaanka iyo luuqadaha caalimiga ah ee la isku fahmi karo sida (English iyo French)
  3. In koox  kasta ay doortaan xidda u matalaysa GPE iyo wadanka xiriirinaya
  4. Sidii loo qaybsan lahaa lacagaha lagu caawinayo wadamada soo korayo iyo kuwa dhibaatadu halakaysay.

Shirkaas waxaa Puntland uga qayb-galay wafdi uu hogaaminayo Agaasimaha Guud ee wasaaradda waxbarashadda Mr. Maxamed C/wahab Axmed.

Faaiidooyinka shirkaas uga soo hoyday Puntland waxaa ka mid ah:

  1. In Puntland laga caawiyo mushaaraadka macalimiinta dugsiyada hoose dhexe
  2. In laga caawiyo tababarka, tayaynta macalimiinta iyo hagaajinta maamulkoodaba
  3. In laga caawiyo horumarinta wxbarashada gabdhaha ardayda ah iyo kuwa macalimiinta ahba
  4. In Puntland laga caawiyo dib u fiirinta iyo horumarinta qorshaha waxbarasho ee 5 sano 2012-2017

Arrimahaan oo ahaa kuwa ay wasaaradda waxbarashadda Puntland horay uga codsatey GPE in badana lagu bixiyay dadaal badan ayaa waxay ku soo dhamaadeen wanaag ayada oo laga aqbalay Puntland in laga caawiyo dhammaan afarta arrimood ee kor ku qoran.

Waxaa sidoo kale looga hadlay shirka sidii Africa loogu qaybin lahaa deegaan deegan (constituencies). Waxayna Somalia iyo waliba Puntland gaar ahaan ku jiraan kooxda loo baxshay Africa 1 oo ka kooban ( Somalia, Kenya, Lesotho, Malawi, Mozambique, Rwanda, Uganda, Zambia, Angola, Tanzania iyo Zimbabwe) waxaa matalaya kooxdaan wadanka Rwanda waxaana xiriiriye loo doortay wadanka Mozambique illaa inta laga gaarayo bisha November 2012 oo Board members ku isu imaanayaan.

 

 

Amaal Abdulahi Ali
Ministry Of Education
Puntland Somalia
Scroll to Top