21/November/2015-Munaasabad lagu xusayay maalinta macalinka soo maaliyeed oo ku beegan sanad kasta 21 November, ayaa maanta oo sabti ah markii ugu horeysay lagu qabtay Puntland gaar ahaan Garowe.
Xuska maalinta Macalinka Soomaaliyeed  waxaa kasoo qeyb galay mas’uuliyiinta kala duwan oo u badnaa saraakiisha waxbarashada Puntland, gudoonka Waxbarashada Gobolka Nugaal Xaashi xuseen Faarax  Macalimiinta iyo maamulayaal iyo marti sharaf kale.
Sanadkaan ayaa si weyn xuska diirada loogu saarayay muhiimada ay leedahay Macalinka iyo faa’iidadda  laga dhaxlo aqoonta Macalinka , taasoo lagu muujinayay aqoonta Macalinka.
Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare   ayaa xuskaan suurtagalisay in lagu qabto Puntland waxayna sheegtay inay ugu talo gashay sidii la kor loogu qaadi lahaa Qiimaha Macalinku leeyahay .
Agaasimaha Waxaada Mashariicada iyo Tababarada Macalimiinta   Cabdi Naasir Xirsi Guray ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin qabashada xuskaan Maalinta Macalinka Soomaaliyeed iyo sida dadka reer Puntland ugu heelan yihiin Macalinka qiimaha uu bulashada ku leeyahay, wuxuuna sheegay wasaaradada Waxbarashada inay joogtayn doonto xuska sanad walba.
Wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare  Dr Maxamed Cali faarax ayaa sheegay  inay ku faraxsan yahay xuska maalinta Macalinka isagoo ku tilmaamay  inay dhiiri galin weyn u tahay soo noolaynta Macalinka iyo kor u qaadida Macalinka, waxaa uu hanbalayo Gaar ahaan ugu diray Macalimiinta puntland Meel Walba ay joogaan.
Wasiirk ku xugeenka wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare Puntland Dr Maxamed Cali I Faarax ayaa xaflada si wayn uga hadlay Maadama uu ahaa 30 sano ugu Danabayey Macalin wuxuuna sheeay wasaaradda waxbarashadu inay dadaal ku bixisay horumarinta Macalinimada,  Sanad Walbana loo Qabto Tababaro kala duwan.
Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare dowladda Puntland ayaa maanta hambalyo u diray macalimiinta Soomaaliyeed, maadama ay ku beegan tahay maanta oo Sabti ah.
Wasiirka waxbarashada Puntland Dr.Abshir Aw-Yuusuf Ciise ayaa sheegay inuu faraxsan yahay in uu hambalyo gaar ah u diro macalimiinta Soomaaliyeed maadama ay tahay maanta maalintii loo aqoon-saday in la maamuuso laga soo bilabay barnaamijkan 1974-tii.
Abshir ayaa sheegay inay tixgalin gaar ah u hayaan macalinka Soomaaliyeed, maadama uu habeen iyo maalin u taagan yahay waxbarida umadkeena soo koraya.
Wasaradda waxbarashada Puntland ayaa ku mashquulsan kor u qaadista tayada iyo awooda macalinka si waxbarashada kor usii kacdo, sidoo kale waxa uu sheegay inay xoojiyeen buugaagta waxbarashada.
Hoos Ka Daawo Sawiradda Xuska Maalinta  Macalimiinta Soomaliyeed.
By: Deeq Maxamed WarsameEmail.Deeq.hurre99@Gmail.comTell- +25257743400