06/10/2015,Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta sare ee Puntland Mudane Abshir Aw yuusuf ciise  ayaa maanta kormeer booqosho ku tagay Dugsiga sare ee Gambool iyo Dugsi hoose/dhaxe ee Darwiish ee Magaalada Garowe. Isagoo horay u soo Maray bishii la soo dhaafay Gobolada Bari iyo Mudug.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Abshir Aw yuusuf ciise iyo Gudoomiyaha Waxbarashada ee Gobolka Nugaal Xaashi xuseen Faarax aya Waheliyey Kormeerka  Wafdigiisa oo ku hormaray Dugsiga sare Gambool  ayaa soo dhoweyn diiran ay kala kulmeen Maamulka,Macalimiinta iyo Ardayda ‘’dugsiga sare ee Gambool..
Mudan Abshir Aw yuusuf ciise ayaa  intii uu ku sugnaa Dugsiga sare Gambool  boqolal araday ah kula hadlay Daabuurka  kadbna Su’aalo ardaydu waydiyeen kadiba  indha-indheeyay hannaanka ay Wax-u-baranayaan Ardaydu,waxaana uu Ardayda ku booriyay inay ka dhabeeyaan talaabada ay ku doonayaan inay kaga Miro-dhaliyaan hankooda Waxbarasho Mustaqbalka.
Wasiir Abshir ayaa Ardayda uga digay Tahriibta,wuxuuna xusay in muhiim ay tahay inay isu diyaariyaan Imtixaamaadka kuso fool leh,ayna muujiyaan dadaal balaaran.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta sare ee Puntland ayaa Ardayda ka codsaday inay u faa’iideeyaan Bulshadooda bilaha fasaxa,wuxuu sheegay in Wasaaraddu ay hormar balaaran gaarsiin doonto Waxbarashadda Puntland.
Kadib Wasiirka ayaa booqashadisii kormeerka ku tagay Dugsiga  hoose/ dhaxe ee Da’da wayn ee darwiish, kadinaba la kulamay  Maamulka,Macalimiinta iyo Ardayda fasalada 8aad iyo  7aad iyo 1aad iyo 2aad ayaa soo dhoweeyay Wasiirka iyo Wafdigiisa,waxaana uu kulan saacado socday la qaatay Ardayda wax ka barata dugsigaas.
Darwiish ayaa ah Waxaa dhiga macalimiinta ugu badan ee Hawwenay puntland Wax ka dhiga.
Waxaana Wasiirka u sheegay Dugsiaydda dhaxe/hoose Aradyda dhigata in sanad-kaan ku bilaaban doonan Manhaj cusub.
Waxuuna aad ugu Mahad celiyey Wasiirku, Â Wasiiradii hore Shaqadii balaaranayd ee Waasarada ka soo Qabteen, Waxa kaloo mahad u celiyey Jaaliayada Reer puntland oo ku nool wadanka maraykanka iyagoo soo dhiibay boqolal buuga oo ah.
Aradyda reer puntland ayaa asbuucan loo qaybinayaa buugag Wax akkris oo isku jira dugsi dare iyo Tacliinta sare.
Hoos Ka daawo Sawiradda.