15/jun/2015-Wasarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland ayaa maalinta barrito ah xusaysa maalinta Carruurta Africa oo ku beegan 16-ka Juun.
Kulan hordhac u ah xuska maalintaasi ayay wasaraddu ku qabatay magalada Garowe, waxana ka hadlay Haweenka waxbarashadda ee wasaradda,kuwaasoo sheegay in maalinta barrito ah munaasibada lagu qabanayo hoolka Jaamacadda PSU ee magalada Garowe.
Puntland ayaa sanad kasta xus u samayso maalintaasi, iyadoona sidoo kale wasaradda haweenku ay qabato kulamo lagu xuso.
Madaxda ugu saraysa dowladda ayaa lagu wadaa inay kulanka barrito kasoo qayb gallaan,ayna hambalyo u diraan carruurta Soomaaliyeed iyo kuwa Qaaradda.
Hoos Ka Daawo Sawiradii Tababarka bandhiga 16 JUN.
Puntlandpost.com