118-Arday Oo Puntland Ku Guuleeystay Deeq Waxbarasho Oo Laga Helay Dawladda Turkiga

Xarunta wasaarada waxbarashada Puntland ee Garowe ayaa  waxaa lagu qabtey shir saxafaadeed lagaga dhawaaqayey natiijada imtixaan saaka ay qaadeen macalimiin kasocotay dalka Turkiga waxana loo tartamayey waxbarshada dugsiga sare iyo jamcado ee dalkaasi.

Madasha shirku ka dhacay ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubno ka tirsan xukuumada Puntland oo u horkacayo wasiirka waxbarashada Puntland Cabdi Siciid Faarax Juxa,kuxigeenadiisa,wasiirka deegaanka,kuxigeenka maaliyada,wasiiru dawlaha maamul wanaaga,sharciyada,agaasimayaal iyo hawlwadeenada waxbarahsada Puntland.

Waxana dhanka kale xaadir ku ahaa madasha labo macalin oo ka socdey dalka Turkiga qaadayeyna iyagu imtixaanka sidoo kalena waxaa joogey agaasimaha daladaha waxbarashada Gaarka ah ee dawladda Somaliya  ahna wakiilka wasarada waxbarashada ee Somaliya Ismaaciil Maxamed C/laahi.

Kadib erayo kooban oo kusaabsan imtixaanka iyo sidii uu u dhacey oo ay soo jeediyen agaasimaha guud ee waxbarashada Punland Cabdiqadir Nuux iyo agaasinka mashaariicda ee wasaarada waxbarshada Maxamed Cali Faarax ayaa loo guda galay akhrinta magacyada ardeyda ku guleysatey deeqda waxbarasho ee isugu jirtey mid dugsi sare ah iyo mid jamacadeed.

Imtixaanka oo kumanaani u fariisatey ayaa Puntland waxaa kaga soo beegmay 118 ardey oo isugu jira wiilal iyo gabdho sida uu shaaciyey agaasimaha daladaha waxbarashada gaarka ah Ismacil Maxamed oo u akhriyey isagu saxaafada liiska kama danbeysta ah.

Ismaaciil ayaa sido kale shaaciyey in isla maalinka berito ah ay ardayda ku guuleysatay deeqda waxbarasho ay u duuli doonaan Muqdisho halkaasi oo 28-ka bishan Sepember –na ka aadi doonaan dalka Turkiga.

Wasiirka waxbarashada Puntland Cabdi Siciid Faarax Juxa o gabagabadii kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay maanta tahay maalmihiisa tan ugu farxada badan iyadoo uu ku micneeyey maadaama tiro intaasi dhan oo ardey reer Puntland ahi u suurtagshey inay heelaan deeq waxbarasho dalka Turkiga,waxuuna ku darey inay haboon tahay  ALLE in looga mahad celiyo arintaasi.

 

 

 

Amaal Abdullahi Ali

Ministry  Of Education Puntland

Media Unit

Scroll to Top