17/12/2014, Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Dowladda Puntland Dr Cali Xaaji Warsame ayaa kullan ballaaran kula qaatay safaaradda Talyaanigu ku leeyihiin magaalada Nairbo ee dalka Kenya Safiirka Talyaniga u fadhiya Somaliya Ambassador Fabrizio Marcelli .
Kullanka oo socday muddo saacado ah ayaa waxaa Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Dowladda Puntland iyo Safiirka Talyaniga u fadhiya Somalia ay ka wada hadleen hormarinta Waxbarashada Puntland oo ay horay u ballan qaaday dowladda Talyaaniga inay ka qayb qaadanayaan hormarinta waxbarashada Puntland.
Kullanka intii uu socday ayaa waxaa looga wada hadlay sidii loo dar-dargalin lahaa Dhisidda dugsiga barashada Luuqadda Talyaaniga, abuurista dugsiyadda Farsamada dalka iyo abuurista xirfado shaqo oo laga hirgaliyo Puntland, wuxuuna kullanku ku soo dhamaaday jawi wanaagsan.
Kullankaan ayaa ku soo beegmaya xilli Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Dowladda Puntland Asbuucyadii ugu danbeeyey uu ku sugnaa dalka Kenya oo uu uga qayb galayo shirar looga hadlayo hormarinta waxbarashada Puntland oo uu la yeelanayo Wadamada taageera Puntland iyo Deeq bixiyayaasha taageera waxbarashada Puntland.
Shirarkaan uu wasiirku kula yeelanayo dalka Kenaya Wadamada taageera Puntland iyo Deeq bixiyayaasha waxay qayb ka yihiin u qareemidda hormarinta waxbarashada Puntland si ay dhallinyarada Wadanku u helaan waxbarasho wanaagsan Puntland-na ay u noqoto hoyga waxbarashada Somalia.
Daawo Sawiradda.
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA WAXBARASHADA IYO TACLIINTA SARE DOWLADDA PUNTLAND
Deeq Maxamed Warsame ‘’ Hurevov’’ Garowe, Puntland Somalia