Wasaradda waxbarashadda iyo Tacliinta Sare oo kulan soo dhawayn ah u qabatay Gudoomiyaha la-dagalanka qaadka,

17/Feb/2015,Wasaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland ayaa maanta oo Talaaddo ah kulan soo dhawayn ah ugu samaysay xarunta wasaradda Gudoomiyaha la-dagalanka Qaadka Abuukar Jaamac Cawaale ”Qaaddiid”.

Kulankan waxaa goob joog ahaa Agaasimaha guud ee Wasaradda Waxbarashada,shaqalaha xarunta dhexe ee wasaradda, qaar ka mid ah haweenka Gobalka Nugaal, Gudoomiyaha Gobalka Mudug iyo masuuliyiin kale.

Ugu horayntii Sahro Axmed Kooshin oo ka mid ah saraakiisha Wasaradda Waxbarashada ayaa sheegtay kulankan inuu yahay mid lagu soo dhawaynayo Abukar Cawaale oo dalka u yimi sidii looga bilaahi lahaa Olalaha la-dagalanka Qaadka, waxay kaloo sheegtay inay ku faraxsan yihiin inay shaqsi Cawaale oo kale ay Puntland kusoo dhaweeyaan.

Inta ay socotay munaasibadda ayaa waxay wasaradda waxbarashada kusoo bandhigtay war bixin kooban oo ka hadlaysa Qaadka iyo dhibaatooyinka uu adduuna ku hayo, iyadoona sharaxaad laga bixiyay in Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed-ba uu saamayn ku yeeshay cunista qaadka iyo ka ganacsigiida, warbixinta ayaa lagu sheegay inay muhiim tahay in wacyi galin la xariirta qaadka lagu daro shaqooyinka dowladda.

Agaasimaha guud ee wasaradda waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Axmed Cabdi Cali ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashada uu Cawaale Qaaddiid maanta ku yimi wasaradda waxbxarashada, sidoo kale masuulkan waxa uu sheegay inay ka wasaarad ahaan taageersan yihiin Olalaha la-dagalanka Qaadka, maadama uu saamayn xun ku yeeshay nolasha qoysaska Soomaaliyeed iyo kuwa cuna.

Gudoomiyaha Gobalka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey) ayaa dhankiisa qiray inuu Cawaale yahay geesi u taagan sidii uu dadkiisa uga bad baadin lahaa dagaalka siyaasadeed ee dalalka dariska la ah Soomaaliya kusoo qaadeen dadka Soomaaliyeed, kaasoo loo marayo hab farsamaysan iyo in lagu jahwareeriyo qaadka ka baxa beerahooda.

Gudoomiyaha la-dagalanka qaadka Mr,Cawaale Qaaddiid ayaa munaasibada kasoo jeediyay khudbad uu kaga hadlayo dhibaatooyinka qaadka, iyo halgankii dheeraa ee uu usoo galay in wadanka UK laga joojiyo, sidoo kale waxa uu tilmaamay inuu dareemi karo Hooyooyinka Soomaaliyeed dhibta ay qaadka ku qabaan, wuxuna balan qaaday inuusan ka hari doonin howlgalka joojinta qaadka.

Hase yeeshee dadka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay inay dhankooda dowr ka qaataan la-dagalanka qaadka loogu jiro, iyo sidii dadka looga wacyi galin lahaa, maadama diinta iyo caafimaadkuba si toos ah uga hadleen.

Wasaradda waxbarashadda ayaa ugu danbayntii Abuukar Cawaale gudoon siiyay abaalmarin ay uga mahad celinayaan dadaalkii dheeraa ee usoo galay joojinta qaadka iyo waliba wacyi galinta uu ka bilaabayo gudaha Soomaaliya.

Hoos Ka Daawo Sawiradda

1 2

3 4 5 6

7 11 16 15 14 13 12 17 18 19 20 21 22 2324910

 

25

 

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA WAXBARASHADA

IYO TACLIINTA SARE DOWLADDA PUNTLAND

 Deeq Maxamed Warsame ‘’ Hurevov’’ Garowe, Puntland Somalia.

 

 

Scroll to Top