Wasiirka Waxbarashada Dowladda Puntland Dr Ali Haji Warsame ayaa magalada Brussels ee dalka Belgium uga qayb galaya shir heer caalami ah oo socon doona saddex maalmood loogana hadli doono kor uqaadida waxbarashada Caalamka , shirkaas oo sanadkiiba mar la qabto.
shirkaaan oo loo yaqaan Global Partnership for Education Board meeting ” GPE ”, oo ay ku kulmayaan go’aan ka gaarayaasha barnmaamijka GPE-da ayaa la filayaa in lagu gaaro go’aamo dhaxalgal ah kuwaas oo waxtar u noqon kara kor u qadida tayada Waxbarashada Caalamka. Wasiir Ali Haji oo warbaahinta kula hadlay Brussels ayaa waxa uu sheegay in go’aamada ka soo baxa shirkaan ay wax wayn u tari doonaan kor u qaadida heerka waxbarashada ee Puntland, wuxuuna sidoo kale sheegay wasiirka oo la hadlayey warfidiyeenada in ay Puntland u diyaar tahay tayeynta waxbarashada Ardayda Puntland ayna soo dhawaynayaan cid kasta oo gacan ka gaysanaysa hormarka waxbarasho ee Puntland ka socda.
Safarka wasiirka ayaa qayb ka ah safaro uu ku kala bixinayay wadamo dhowr ah kuwaasoo uu qaarkood ka helay casumaado sida Dalka Sudaan isaga iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashda ee Dowladda Puntland Dr. Maxamed Cali Faarax.
Wasiirka waxbarashada Puntland Dr Ali Haji Warsame waxa uu ballan ku qaaday in Puntland ay heer wanaagsan ka gaari doonto waxbarashada ayna u garaaci doonaan albaab walba si loo helo waxbarasho wanaagsan si loo gaaro hormar dhan walbo ah.
La socod wanaagsan Safarka wasiirka wixii warar ah oo ka soo siyaadana waan idiin soo gudbin doonaaa.