Waa Side Xaalada Guud Ee Dugsiga Darwish Primary School Kadib Isbadalkii Maamulka Lagu Sameeyay

Dugsiga darwish oo manta aan ku tagnay kormeer xog waran ah ayaa waxaan la kulanay maamulaha dugsiga Darwish Primary School Mudane Maxamed Siciid Yuusug (Dhagasood), aya nooga warbixiyay marxalada dugsiga haatan marayo maadama uu iskuulku ku yimi isbadal xaga maamulka ah.

Maamulaha dugsiga Darwish oo isaga dhawaan la wareegay xillkaas ayaa warbixin kooban inaga siiyay xaalada guud ee dugsiga uu haatan marayo waxa uuna inoo sheegay in iskuulka haatan uu meel wanaagsan marayo,waxa uu kaloo inoo sheegay maamulaha inuu waxbadan ka qabtay caqabadihii taagnaa waqtiguu uu xilka la wareegay oo ay kamid ahaayeen,

  • Tirakoob yadii ardada oo aan dib uqornay soona saarnay tirada saxda ah ee dugsiga dhigata
  • Waxaan fasalkasta oo dugsigaa u samaynay macalin u gaara kaasoo la socda maqnaashaha ardayga dhigta fasalkaa iyo tirada fasalkaas dhigta
  • Waxaan samaynay macalimad uxilsaaran arimaha ardada (Student Affairs) iyadoo la shaqayndoonta foomastarada fasalada
  • Waxaan dayactir iyo qalabaynba ku samaynay xafiiska guud ee maamulaha dugsiga kaasoo horay udayacnaa muuqaal ahaan iyo qalab laanba
  • Waxan dhamaan dib uhabaynay adeegadii iskuulka oo ay kamid ahyad korontadii iskuulka oo aanba shaqayn,musqulihii ay ardada isticmali lahaayeen
  • Waxaan samaynay faylal laga tixraacayo badalka ardada, soo badalida, joogitaanka ardayga, imtixaanaadka

Maaha oo kaliya arimahaas uun in wax laga qabtay guud ahan waxaa dib uhabayn lagu sameeyay qaab dhismeedka dugsiga,tayada ardada,dhiirigalinta macalimiinta, iyo dhamaan arima fara badan oo iskuulka uu ka dayacnaa

Ugu danbayntii waxaa uu maamulaha usoo jeediyay wasaarada waxbarashada oo gacanta ku haysa dhamaan dugsiyada ka jira Puntland in ay ka caawiso, kordhinta tababarada macalimiinta, mushaarka macalimiinta in isna la kordhiyo  iyo dayactir guud oo uu ubaahanyahy dugsiga si uu unoqda meel soo jiidata indhaha ardada.

Amaal Abdulahi Ali

Minstry Of Education

Media Unit

 

Scroll to Top