Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Waxbarashada Iyo Qaar Kamida Lataliyayaasha Wasaarada Oo Kulan Kula Qaatay Magaalada Nairobi Hay`ada GEP

Agasimaha guud ee wasaarada waxbrashada iyo qaar kamida lataliyaasha wasaarada ayaa kulan labo maalmooda kula yeeshay magaalada Nairobi hay`ada Global Education Partnership (GEP) iyo xubna ka tirsan hay`ada UNICEF

Kulankan ayaa ahaa ujeedkiisa sidii kor looogu qaadi lahaa xiriirka ka dhaxeeya wasaarada Waxbarashada  iyo deeq bixiyayaasha taas oo ay tahay mid muhiima in laga hadlo,shirkan ayaa waxaa goob jog ka ahaa fududaynayayna hay`ada UNICEF oo iyada taageerada ugu wayn ku bixisa waxbarashada xiriir wanaagsan la leh wasaarada  waxbarashada .

Agaasimha guud ee wasaarada waxbarashada ayaa si kooban uga hadlay marxalada ay marayso waxbarashada haatan ka jirta deegaanada puntland iyo sadexdii sano ee udanbaysay guulaha ay gaartay wasaarada,waxa uuna sidoo kale intaasi raacshay baahiyaha haatan jira ee la doonayo in aan dhamaanteen aan xooga saarno ayna kamid yihiin,mushaarka macalimiinta ,tababarka macalimiinta ,goobaha waxbarashada oo la balaariyo,shaqaalaha wasaarada oo kor loo qaado tayadooda.

Gaba gabadii ayaa kulan waxaa soo afmeray uqaybasana GEP arimaha soomaaliya Mr Jean Marc oo isaga ka hadlay qorshahooda ku aadan dhanka waxbarashada iyo shaqooyinka ay qabtaan,waxa uuna uga mahadceliyay sida wanaagsan ee ay wasaarada waxbarashadu ula shaqaysoi isagoona carabka ku adkeeyay in lasii xoojiyo xiriiirka .

Amaal Abdulahi Ali

Ministry Of Education

Media Unit

Scroll to Top